Puntland oo Amar Ku Hakisay Go’aan Ka Soo Baxay Hay’adda Socdaalka Soomaaliya

Garoowe (Aftahannews)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa amar ku bixiyay in la hakajiyo xil wareejinta agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya xafiiskeeda Puntland.

Go’aankan ayaa ku soo beegmay kadib markii agaasimaha hay’adda socdaalka Soomaaliya uu agaasime cusub u soo magacaabay xafiiska Puntland.

Agaasimihii hore ee hay’adda looga yeedhay xafiiska dhexe ee hay’adda oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland, ayaa lagu faray masuuliyiinta amniga iyo masuuliyiinta socdaalka in illaa amar dambe la hakiyo xil wareejinta.

Lama oga sababta ka dambeysay go’aankan, balse wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Puntland iyo dowladda federalka ka dhextaagan yahay khilaaf siyaasadeed oo culus.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.