Bisha March Iyo Kulamadda Man.United, Man.City Iyo Chelsea

Labada TV ee Ingariiska ee leh xuquuqda baahinta Premier League ee Sky Sports iyo BT Sport ayaa xaqiijiyay jadwalka kulamada ay baahinayaan bisha Maarso, waxaana ku jira kulamo aad u xiiso badan.

Kulanka Merseyside Derby ee Liverpool iyo Everton waxaa la ciyaari doonaa habeenka Isniinta ee 16ka bisha March iyadoo dadka Yurub jooga ay ka daawan doonaan Sky Sports halka kulanka Manchester Derby ee United iyo City isna la ciyaari doono 3da bisha Maarso, waxaa isna baahin doonta Sky Sports.

Liverpool ayaa mar kale kulankeeda ah laga baahin doonaa Sky Sports marka ay Anfield ku soo dhaweeyaan kooxda Crystal Palace halka Tottenham iyo West Ham ay iyagana ka soo muuqan doonaan Monday Night Football.

Liverpool waxay sidoo kale baahin ka heshay kanaalka kale ee BT Sport bisha Maarso kulanka ay la ciyaarayaan kooxda dhibtooneysa ee Bournemouth.

Kulanka ugu adag ee ay bisha Maarso baahin doonto BT Sport waa kulanka ay kooxda Pep Guardiola ee Manchester City u safri doonaan Stamford Bridge si ay u wajahaan kooxda Frank Lampard ee Chelsea, ciyaartaan waxay dhici doontaa 21ka October.

Sky Sports (Saacada Waa Waqtiga Ingariiska)

Sabti March 7:Burnley vs Tottenham (5.30pm)

Axad March 8: Chelsea vs Everton(2pm)

Axad March 8:  Man Utd vs Man City (4.30pm)

Isniin March 9: Leicester vs Aston Villa (8pm)

Sabti March 14:  Aston Villa vs Chelsea (5.30pm)

Axad March 15:  West Ham vs Wolves(2pm)

Axad March 15:  Tottenham vs Man Utd (4.30pm)

Isniin March 16:  Everton vs Liverpool (8pm)

Jimce March 20:  Tottenham vs West Ham (8pm)*

Sabti March 21:  Liverpool vs Crystal Palace (5.30pm)*

Axad March 22:  Leicester vs Brighton(2pm)*

Axad March 22: Southampton vs Arsenal(4.30pm)*

*Kulamada calaamadaan leh waxaa jadwalkooda bedeli kara wareega 8da FA Cup

March 7: Liverpool vs Bournemouth (12.30pm)

March 14:Watford vs Leicester (12.30pm)

March 21: Chelsea vs Manchester City (12.30pm)