Qaramadda Midoobay Oo Raadinaysa Hal Bilyan Oo Dollar Oo Samo-fal Ah

Muqdisho (Aftahannews)-Qaramada Midoobay ayaa raadineysa 1 bilyan oo doolarka Mareykanka ah si loogu maalgeliyo howlaha samafalka ee Soomaaliya sanadkaan 2020 sida uu sheegay Khamiistii Shalay aheyd afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay.

Farhan Haq oo ah Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in UN-ka oo kaashaneyso Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adaha ku shaqada leh howlaha bini’adaanimada ay bilaabeen raadinta lacago loogu talagalay Soomaaliya sanadkaan 2020.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in lacagtaas loo adeegsan doono dadka u baahan gargaarka bini’aadanimo si ay u helaan raashin ku filan, wuxuuna dadka gargaarkaas la siinayo ku sheegay inay yihiin 3 Milyan oo qof, oo ku dhawaad kalabar dadkaas ay ku barakaceen gudaha dalka.

Si kastaba ha noqotee, qiyaastii 5.2 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ayaa u baahan gargaar bani’aadamnimo, oo ay ka mid yihiin 1.7 milyan oo qof oo ku barakacay dagaalada, amni-darrada, kuwa xoog looga saaray guryahooda,  abaaraha, iyo daadadka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Xafiiska bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay wadamada waqtiga dheer ku jiray dhibaatooyinka ugu adag ee dhanka bini’aadanimada taasoo ay sabab u tahay Cimilada isla markaasna ay wehliso dagaalada iyo sanboolnimada baahsan.