Maamulaha Guud ee Dahabshiil oo Sharraxay Shirka Maalgashiga Afrika & Ingiriiska

Dahabshiil-CEO-Abdirashid Dualleh MAAMULAHA DAHABSHIIL GROUP AFTAHANNEWS
Dahabshiil-CEO-Abdirashid Dualleh MAAMULAHA DAHABSHIIL GROUP AFTAHANNEWS

London(Aftahannews):- Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Md Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa faahfaahin ka bixiyay shir madaxeedka maalgashiga Afrika iyo Ingiriiska oo maalintii shalay ka qabsoomay magaalada London. Kulanka waxa ka qayb galay 21 ka mid ah madaxda Afrika iyo ganacsato tiro badan.

Dahabshiil-CEO-Abdirashid Dualleh MAAMULAHA DAHABSHIIL GROUP AFTAHANNEWS
Dahabshiil-CEO-Abdirashid Dualleh MAAMULAHA DAHABSHIIL GROUP

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ra’isal wasaaraha Ingiriiska Mr Boris Johnson oo ka hadlayay ahmiyadda shirweynaha maalgashi ee Afrika iyo Ingiriiska ayaa yidhi “Inka badan kala badh waddamada dhaqaalahoodu korayo waa Afrika, Saddex daloolow laba dalool dhaqaalaha Afrika wuu koraya. Afrika waa mustaqbalkii, Ingiriiskuna wuxuu doonaya in uu door muhiim ah ka ciyaaro mustaqbalkaas.”

Haddaba Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group Mudane Cabdirashiid Dahabshiil shirkaas uga warramay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in ay bulshada Soomaalida iyo Afrikaba faa’iido ka helayso qorshaha Ingiriiska ee Afrika ku aaddan.

Shirkan ganacsato badan baa timid, maalgashiga laga hadlay, waxa laga hadlay Afrika sidii horumarkeeda looga qayb qaadan lahaa, Afrika waxa lagu qiyaasay dad laba bilyan ah oo dhallinyaro u badan, marka caalamka iyo shirkadaha caalamku waxay u arkaan in ay mustaqbal maalgashi leedahay Afrika. Dahabshiil dalalkaas Afrika maalgashi badan buu ku leeyahay sababtaa awgeed baana naloogu marti qaaday in aanu shirka ka qayb qaadanno,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil.

Maamulaha Dahabshiil waxa uu tilmaamay in Afrika shaqo abuur iyo horumar ka dhaxli doonto mustaqbalka qorshaha Ingiriiska “Ingiriisku waa dalalka uu xidhiidhka fiican la leeyahay Afrika laakiin, muddooyinkii dambe waxaad moodda in dalal badan ku loolamayaan Afrika, Shiinaha ha noqoto ama Ruushka ha noqote laakiin, Ingiriisku wuxuu doonaya in shirkadaha, qurbejoogta iyo dadka Afrika ka soo jeeda ay maalgashi la samayso si shaqo loo abuuro, shaqo abuurkaas oo Afrika ka dhacaya Ingiriiskana ka dhacaya maaddaama ay doonayaan wax labada dhinacba dan u ah,” Sidaas ayuu yidhi mudane Cabdirashiid Dahabshiil.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyay waxyaabaha ay xoogga saari doonaan in la maalgaliyo “Waxyaabaha la maalgalinayo waxa ka mid ah Tamarta(Energy) waayo tamarta iyo Teknoolajiyaduba Adduunkan maanta way isbedelayaan, waxa kale oo ay doonayaan isgaadhsiinta (telefoonnada) iyo Bangiyada, shaqooyinkaas oo aanu Dahabshiil ahaana ku jiro maaddaama Somtel, eDahab ama Cable-ka aanu ku jirno wuxuba ay Teknoolaji iyo Maaliyad la xidhiidhaan, marka waxaad moodda in ay dawladda Ingiriisku doonayso in ay horumar balaadhan oo qoto dheer la samayso Afrika oo hadda Horumarka Afrika wadamada ka qayb qaata 80% iyo ganacsatadoodii ayay shirka ku martiqaadeen, marka haddii aanu Dahabshiil nahay waanu ku faraxsanahay in aanu ka mid noqono shirkadihii caalamiga ahaa ee lagu martiqaaday shirkan oo aanu u aragno in uu mustaqbalka shaqooyin u abuuri doono dad badan oo Soomaaliyeed kuwo Ingiriiska ku nool ha noqoto ama kuwa Afrika ku nool ha noqotee,” ayuu yidhi Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.