Ciidamada dowladda Somalia oo Qarax lagula eegtay gobolka Shabeellaha Dhexe

Jowhar (Aftahannews)- Wararka naga soo gaadhaya gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada Balcad ayaa sheegaya in qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku dhaawacmeen ilaa Lix Askari.

Dad ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxan loo adeegsaday Miino dhulka lagu aasay taasoo halleeshay gaadhi ay la socdeen ciidamadu.

Waddada xidhiidhisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa bilihii ugu danbeeyayba amaankeedu ahaa mid aan wanaagsaneyn iyadoo weeraro toos ah iyo qaraxyo intaba ay ka geystaan xoogagga Al-shabaab.

Ma jiro iyo ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad oo ka hadlaya qaraxan ay ku dhaawacmeen ciidamada dowladda.

 

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.