Soomaaliya oo dunida ku hogaamineysa diiwaanka musuqa

Muqdisho (Aftahannews)- Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu musuqa badan dunida kaddib markii ay dalalka dunida ku hogaamisay diiwaanka musuqa, sida ay sheegtay ha’yadda Transparency International.

Diiwaankan ayaa ah mid sannadla ah oo ha’yadda ku eegto musuq maasuqa ha’yaddaha ilaa 180 dal.

Sida laga soo xigtay, waxyaabaha musuqa ka qeyb qaatay inay yihiin dagaallada Soomaaliya ka taagan, “Laaluush iyo musuq maasuq baahay oo dhanka siyaasadda ah”

Ha’yadda waxay ku baaqday in dowladda Soomaaliya ay sameyso isla xisaabtan siyaasadeed gaar ahaan hirgelinta tallaabooyinka la dagaalanka musuq maasuqa.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ka hor beenisay diiwaanka musuqa ee ha’yaddan isla markaasna ku tilmaantay waxba kama jiraan.

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sannadkii la soo dhaafay ansixiyay sharciga dhismaha guddiyada la dagaallanka musuq maasuqa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.