Kooxaha Leicester City, Tottenham Oo Guulo Isugu Jawaabay Iyo Man.United Oo Godkeedda Biyo Loogu Shubay

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guuldarro 0-2 ah kala kulantay kooxda Burnley oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford, ciyaar ka tirsaneyd kulamada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Burnley.

Daqiiqadii 39-aad kooxda Burnley ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Chris Wood, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkii Ben Mee.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiadii 56-aad kooxda Burnley ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay Jay Rodriguez, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Chris Wood.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay guuldarro 0-2 oo ay Manchester United kala kulantay kooxda Burnley oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford.

Si kastaba ha noqotee, dhanka hoose kaga boggo natiijooyinka kulamadii kale ee caawa laga ciyaaray horyaalka Premier League.

Leicester City 4 – 1 West Ham United

Tottenham Hotspur 2 – 1 Norwich City