Giriiga: Maxkamad 10 Sanno Ku Xukuntay Haweenay Ka Been Sheegtay Sooyaalkeedda Taariikheed

 Maxkamad ku taala dalka Giriiga ayaa 10 sano oo xadhig ah waxay ku xukuntay haweenay ka shaqeysa nadaafadda sabab lagu sheegay been yar oo ay ku qortay sooyaalkeeda qofeed ee CV-ga.

Wargeyska Daily Mail ayaa ku soo waramaya in haweenayda oo da’deedu tahay 53 sano jir ay ka shaqo billowday xarun dowladda maamusho 15 sanno ka hor laakiin baaritaan kaddib waxaa la oggaaday in haweenaydu ka been sheegtay waxbarashadeeda hoose.

Waxay haweenaydu ku sheegtay sooyaalkeeda qofeed inay muddo 6 sano ah dhiganaysay dugsiga hoose laakiin waxaa caddaatay inay dhiganaysay muddo 5 sanno ah.

Shuruudaha xarunta ay ka shaqeynaysay waxaa ka mid ahaa in qofku soo dhammeysto 6-da sanno ee dugsiga hoose si booska loogu qaato.

Maxkamadda ayaa u jeedisay haweenayda eedeynta ah inay khiyaano sameysay hase ahaatee kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si kulul u dhaleeceeyay go’aanka maxkamadda oo ay ku tilmaameen mid “ cadaalad darro ah” oo muujinaya sida uu u xun yahay garsoorka Giriiga.