Sergio Aguero Oo Guul Muhiim Ah Ku Hoggaamiyey Kooxda Man.City

Gool uu dhaliyay Sergio Aguero oo bedel ku soo galay ayaa Manchester City ka caawiyay inay 1-0 kaga talaabsadaan kooxda Sheffield United oo marti loo ahaa iyadoo City ay dib ugu soo laabatay wadada guusha ka dib barbarihii ay toddobaadkan la galeen Crystal Palace.

Gabriel Jesus ayaa rigoore ka qasaariyay City ka hor inta aannu badbaadinin Aguero halka Kevin de Bruyne loo diiwaangeliyay rikoodh cusub isagoo noqday xiddigii horeeyay taariikhda Premier League ee sameeya 15 ama ka badan caawin saddex xilli ciyaareed oo kala duwan.