Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa furay Shirka qorshe-sannadeedka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee 2020.
Shirkan oo lagu qabtay Huteel Kaah ee magaalada Hargaysa, waxa ka qaybgalay Guddoomiyayaasha waxbarashada ee heer gobol, Agaasime waaxeedyada, Guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Axmed Abokor Maxamed
Shirkan, oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa lagu lafaguri doonaa qorshayaasha waxqabad ee sannadkan 2020-ka, waxaannu warkan oo faahfaahsan iyo hadallada ay Masuuliyiintu ka jeediyeen-ba, idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.