Madaxweyne Biixi oo Booqasho ugu tegay Madaxweyne Ku-xigeenkii 1-aad ee Somaliland oo Cusbitaal la Dhigay

MADAXWEYNE BIIXI IYO GUDDOOMIYE BAASHE OO XASAN CIISE JAAMAC CUSBITAALKA KU BOOQDAY 2020
MADAXWEYNE BIIXI IYO GUDDOOMIYE BAASHE OO XASAN CIISE JAAMAC CUSBITAALKA KU BOOQDAY 2020

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqasho ugu tegay Madaxweyne ku-xigeenkii u horreeyey ee Somaliland yeelato Xasan Ciise Jaamac oo xaalad caafimaad loo dhigay Cusbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa.

MADAXWEYNE BIIXI IYO GUDDOOMIYE BAASHE OO XASAN CIISE JAAMAC CUSBITAALKA KU BOOQDAY 2020
MADAXWEYNE BIIXI IYO GUDDOOMIYE BAASHE OO XASAN CIISE JAAMAC CUSBITAALKA KU BOOQDAY 2020
XASAN CIISE JAAMAC OO CUSBITAALKA GARGAAR MADAXWEYNE BIIXI KU BOOQDAY 2020
XASAN CIISE JAAMAC OO CUSBITAALKA GARGAAR MADAXWEYNE BIIXI KU BOOQDAY 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Baashe Maxamed Faarax iyo taliyaha ciidamada Booliska, ayaa wakhti kooban la qaatay Xasan Ciise Jaamac oo xaaladdiisa caafimaad haatan fiican tahay.

Madaxweyne Biixi Cabdi waxa uu u duceeyey Xasan Ciise, waxaanu ka xog waraystay xaaladdiisa caafimaad, isaga oo sidoo kale warbixin la xidhiidha suurto-galnimada waxyaabaha loo baahan yahay in loo qabto ka dhegaystay Dhakhtarka dawaynaya.

Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee wehelinayey, ayaa Eebbe uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo mujaahidka oo haatan ku jira xaalad kasoo rayn ah oo aad u wanaagsan.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu isla Cusbitaalka Gargaar ku booqday Gaashaanle dhexe Cali Maxamedow oo ka tirsan ciidanka qaranka, kana mid ahaa Xubnaha Ururkii SNM ee dalka u soo halgamay, kaas oo xaalad caafimaad Cusbitaalka ugu jira.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.