Kooxda Barcelona Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Kooxda Granada

Barcelona ayaa guul dirqi ah kaga gaadhay kooxda Granada garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar ka tirsaneyn kulamada horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 76-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Lionel Messi, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkii Arturo Vidal

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-0 ay guul kaga gaadhay Barcelona kooxda Granada oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou.