Siyaasi Somaliland ah oo Xisbi Kaga Dhawaaqay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Aqoonyahan Cismaan Abuukar Dubbe, oo si wanagsan looga yaqaano deegaanada Somaliland isla markaan si dhaw ula shaqayn jiray Xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed cusub oo lagu magcaabo, Xisbiga Nabbada Barwaaqada iyo Midnimada ee (HILOW).

Prof. Cismaan Abubakar Dubbe, ayaa sidoo kale ka mid ahaa aqoonyahankii qaybta ka qaatay ee qoray barnaamijkii Xisbiga KULMIYE uu olalaha doorashada ku galay ee lagu doortay Madaxweynaha Somaliland ee hadda Muuse Biixi Cabdi.

“Waxaanu hadda ka soo baxnay xafiiska guddida diiwaangalinta asxaabta qaranka Somalia oo aanu ka soo diiwaangalinay xisbi cusub oo hankiisa, himiladiisa iyo hoggaankiisuba ku cusub yihiin dhagaha iyo maqalka shacabka Soomaaliyeed, 60 sanadood ayaa ka soo wareegtay markii Soomaalidu xornimada ay qaadatay ee ay ka qaadatay gumaysigii qaybiyey ee kala qoqobay, ummadihii wakhtiga inala qaatay xoriyadda 60-kaa sanadood ka hor ee dawladaha dunida ka mid ahaa, maanta waxay dageen oo ummadahoodii ay dajiyeen gurya-samo, gayigoodiina waxay ka dhigeen guri barwaaqo ah oo nabadd ah oo xasiloon.” ayuu yidhi Dubbe

Siyaasi Cismaan Abubakar Dubbe oo magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Xisbi siyaasadeedkan Axaddii maanta, waxaa uu isagoo hadalkiisa sii wata intaas ku ladhay oo yidhi; “Laakiin nasiib-darooyin, dagaalo iyo dib u dhac ayaa ahaa inta kaga soo aaday Soomaalida, qaybtii ay duniddu qaybsatay.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.