Cirro oo Aqbalay Is-casilaad uu u Gudbiyey Xoghiyihii Xidhiidhka Carabta iyo Islaamka ee Waddani

Hargeysa(aftahannews):- Xoghiyihii hore ee Xidhiidhka Carabta iyo Dalalka Islaamka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Axmed Safiina, ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilkaasi, waxaanu is-casilaaddiisa ku sababeeyey hawlo isaga u gaar ah oo ay ka mid tahay Shahaadada PHD oo uu xusay inuu wakhtigan diyaarinayo.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu is-casilaaddaa u gudbiyey Safiina, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray Cirro wuxuu ku sheegay inuu ka aqbalay istiqaalada uu u soo gudbiyey, waxaanu ugu duceeyey inuu guul ka gaadho mustaqbalkiisa waxbarasho ee uu wakhtigan sii ambaqaaday.

Warkaas oo is-casilaadda Safiina iyo aqbalaadda Cirro, waxaannu isagoo faahfaahsan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.