Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Midaynta Waxbarashadda

Hargeysa, (Aftahannews)- Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay inay wasaarad ahaan ku hawlan yihiin qorshe lagu midaynayo Manhajka Waxbarahada ee dugsiga dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Wasiirku waxa uu sheegay in sharciga dalka loo raacayo midaynta Manhajka dalka maadaama ay wasaaraddiisu masuul ka tahay siyaasadda Waxbarasho ee Qaranka.