Muqdisho: Wasiir Iska Casilay Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Aftahannews)-Cabdullaahi Faarax Wehliye oo kamid ah  Musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey Xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Musharax Cabdullaahi Faarax ayaa iska casilay Xilkii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha isagoo Ra’isul wasaare Kheyre iyo saaxiibadiisii Xukuumadda uga mahadceliyey wada shaqeyntii dhexmartay intii ay ka wada tirsanaayeen Xukuumadda Soomaaliya.

Musharaxa ayaa sababta uu isaga casilay xilkiisa ku sheegay inay tahay isagoo doonayo inuu u tartamo xilka madaxweynimo ee Maamulka Galmudug iyadoo  maalmaha soo socdo la filayo inay dhacdo doorashada loogu tartamayo xilkaas.

Wasiirka ayaa shir uu shalay ku qabtay Dhuusamareeb ku sheegay in Xukumadu ay faragelin toos ah ku heyso dhismaha maamulka Galmudug, isagoo tilmaamay in handadaad lagu hayo Xildhibaanada cusub ee la soo xulay Jimcihii tegay.

Musharax Cabdullaahi Faarax ayaa la rumeysan inuu taageero ka heysto Maamulka Ahlu Sunna oo awood fiican ku leh gudaha Baarlamaanka Galmudug.

Wasiiru dowlaha howlaha guud ee xukumadda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa horey ugu dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay, maadaama uu ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka madaxwaynaha Galmudug.

Qoor Qoor ayaa ah musharaxa ay wadato xukuumadda Soomaaliya ee doorashada Galmudug, waxaana la filayaa in lacag badan oo la siinayo xildhibaanada codeynaya ay ku baxdo sidii uu ugu soo bixi lahaa xilkan.