Shirweyne Qaran Oo Lagaga Hadlayo Fardaaminta Caqabadaha Doorashooyinka Oo Hargeysa Ka Furmay

Hargeysa(aftahannews):- Shir-weyne Qaran oo ay soo agaasintay Akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland, isla markaana lagaga hadlayo doorashooyinka Somaliland Caqabadaha ku xeeran iyo sidii loo fardaamin lahaa khilaafyada ay deriska la noqdeen dhaqaajinta hawlaha doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka iyo guddiga doorashada oo lafteeda khilaaf ka taagan yahay.

SHIRKA QARAN EE DOORASHOOYINKA SOMALILAND
SHIRKA QARAN EE DOORASHOOYINKA SOMALILAND

Shirkaas oo ka furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, muddo laba Cisho ahna socon doona, waxaa ka qaybgalay badi Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha, Aqoonyahanka Dalka iyo Ururrada Bulshada ee waddaniga ah qaarkood.

Waxa furitaankii Shirkaas hadal kooban ka jeediyey Ambassador Aadan Muuse Jibriil oo ka mid ah Golaha Hoggaaminta Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland oo soo dhaweeyey Dadka aqoonta la bidayo ee ka qaybgalay shirkaas.

Guddoomiyaha Akaademiyadda iyo horumarinta nabadda Maxamed Faarax Xirsi oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey Shirkan iyo ujeeddadiisa, waxaanu sheegay inay ujeeddadu tahay sidii loo lafaguri lahaa caqabadaha doorashooyinka iyo khilaafka siyaasiga ah ee dalka ka taagan, isla markaana looga gudbi lahaa, taasina tahay ta ay u soo xusheen aqoonyahanka dalku inay isugu yimaaddaan Shirkan.

Prof: Maxamed Siciid Gees, Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan Cabdi Guuleed, Aamina Xaaji Maxamuud Warsame oo ka tirsan Daladda Ururrada Haweenka ee NAGAAD, Prof: Maxamed Mixille, Aqoonyahan iyo Xubno kale oo Jaamacadaha dalka ka socday iyo Ururrada Bulshada, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, soona dhaweeyey ajandaha shirkan iyo doorka loo baahan yahay in lagu xalliyo khilaafaadka ka taagan guddiga cusub ee doorashada iyo sidii loo heli lahaa saaxad doorashooyinka wakiillada iyo deegaanku dalka uga qabsoomi karaan wakhtiga ku habboon.

Shirkan oo Aqoonyahanka kala duwan ee ka qaybgalay ku lafaguri doonaan arrimahaas, ayaa la filayaa in Khamiista laga soo saari doono qodobbo wax ku ool ah oo xal u noqon kara khilaafyada doorashooyinka hadheeyey.

Haddaba, Warkaas oo dhammaystiran, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.