Jaadlayaasha Burco oo Xoog ku Galay Magaalada Iyagoo Hubaysan iyo Maayer Muraad oo Si Adag uga Hadlay

Burco(aftahannews):- Maayerka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa si adag uga hadlay Amar-diiddo ay sameeyeen Qaadlayaasha Burco, ka dib markii ay Magaalada oo dhex-socodkeeda amar laga soo saaray ay iyagoo Hubaysan Xoog ku galeen maanta.

Gaadiidka waaweyn ee Jaadka geeya magaalada Burco iyo nawaaxigeeda, ayey Dowladda hoose ee Burco ku amartay inay Qaadka ku rogaan Kaantarroolka magaalada laga galo oo aanay gudaha iyagu geynin, si ay halkaas uga sii qaadaan Baabuurta yaryar ee iyagu Qaadka magaalada ku qaybiya, hase-yeeshee, fulinta amarkaas gaashaanka ayey ku dhufteen Jaadlayaashu, waxaanay taas beddelkeeda maanta sameeyeen inay iyagoo Gaadiidka Rag hubaysani saaran yihiin xoog ku galaan gudaha Burco.

Haddaba, Warkaas oo faahfaahsan iyo Maayer Muraad oo si adag uga hadlayba, waxaannnu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.