WARBIXIN : Kala-Kicii Kulanka Madaxtooyada, Badheedhihii Mucaaradka, Bayaamintii Kulmiye & Khilaafka Oo Mar Kale Cusboonaaday

Hargeysa, (Aftahannews)- Guddoomiyeyaasha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee WADDANI iyo UCID, ayaa sheegay inuu natiijo la’aan aan laysku af-garan ku soo dhammaaday kulan maanta loo ballansanaa oo madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka maanta dhexmaray Xisbiyada Mucaaradka iyo Madaxweynaha, ayaa loogu ballansanaa in lagu fuliyo qodobbo soo jeedin ah oo lagu soo afjaray khilaaf u dhexeeyey labada dhinac, kuwas oo uu ka mid ahaa sidii loo kala diri lahaa Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Cusub ee dhawaan la magacaabay oo bud-dhig u ahaa khilaafkaas.