Madaxwayne Muusoow Ku Musbaar Xal Maaha? Qalinka Siyaasi Maxamed Ismaaciil Warfaa

SIYAASI MAXAMED ISMAACIIL WARFAA 2020
SIYAASI MAXAMED ISMAACIIL WARFAASIYAASI MAXAMED ISMAACIIL WARFAA 2020 2020

Haddii aan weedho kooban halkan u mariyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaamiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxaan leeyahay markii hore isu-soo dhawaansho fiican oo afgarad ka muuqdo ku damiseen khilaafkii dabkiisu shidmay xal fiican iyo xummad-jebin dawadu ku xigto ayey aniga iyo dad badan oo ila aragti ahiba u arkayeen, hayseyeeshee, waxay u muuqataa in xaalku xumad-jebin uun kaa ahaa Madaxweyne ee aanad xal u socon.

SIYAASI MAXAMED ISMAACIIL WARFAA 2020
SIYAASI MAXAMED ISMAACIIL WARFAASIYAASI MAXAMED ISMAACIIL WARFAA 2020 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaannu filaynay war farxad leh iyo bushaaro ah in xal waara aad isla qaadataan waa Mucaaradka iyo Muxaafidka’e oo wakhtiga doorashadana la qaato oo wax waliba khilaaf la’aan iyo si qurux badan ku soo dhammaadaan, sidii loo soo afjaray arrinta Jabhaddii Kornayl Caarre ee ay heshiiska u wada gaadheen Caarre iyo Dowladda Somaliland oo kale, ayaannu filaynay in khilaafka Xisbiyada iyo Xukuumadduna u dhammaan doono.

Laakiin, taa beddelkeeda waxaa muuqata in arrintu is-beddeshay, khilaafkii damayna halkiisii iyo meel ka sii adag dib uga istaadhmayo, mar haddii Madaxweyne aad adigu xalkii fogaysay, Siyaasiyiin xidh-xidhay, qaarna u hanjabtay, Guddoomiye Xisbi oo kula mid ah oo Berri kursiga fadhiisan kara oo haniyeyntiisa la’aanteed aanad maanta taliseen aad dagaal gacan ka hadal ah iyo aflagaaddo isugu dartay iyadoo Xafiiskaad Qaranka ka maamulaysay gudihiisa lagu jiro.

Waa arrin laga murugoodo Madaxweyne inaad Xafiiskii Madaxtooyada dhexdiisa ku lumiso Milgihii uu Faysal Cali Waraabe iyo dhiggiisu kaa mudnaayeen, maamuuskii Xafiiska, maamuuskii Madaxweynennimo ee ahaa xataa haddii lagaa qaldan yahay inaad dul iyo hoggaamiyennimo muujiso, ixtiraamkii madaxda kuu martida ahi kaa mudnayd iyo miisaanka kursiga aad ku fadhidaa leeyahay, intaas oo ay ahayd inaad mid uun dhawro, balse waa mid nusqaan adiga iyo kursigaba ku ah tallaabada aad Faysal kula kacday.

Ta labaad, tanaasul la’aanta khilaafka doorashada ku xeeran ee qodobbadii Ergada dhex-dhexaadinta ee Xisbiyada iyo Xukuumad ahaanba aad aqbasheen inaad iyagana buriso, oo kala diri kari weydo Guddiga khilaafka salka u ah ee kala dhiman, kalsoonidana ka weyday Xisbiyada Mucaaradka ah, taasina waa nusqaan iyo nabar kale oo taariikhda kuu geli doona haddaanad xal kama-dambays ah ka gaadhin Madaxweyne.

Waxa kale oo wax laga murugoodo ah tallaabadda xadhigga Siyaasiyiinta, Suxufiyiinta, iyo Dadka Xisbiyada Xubnaha ka ah ee Xukuumaddaadu marwalba ay ku bartilmaameedsanayso Haldoorka Ummadda ee adiguna aad raallida kaga tahay Madaxweyne.

Ma waxaynu ognahay inta qof birmagaydo aan dembi cad oo lagu hayaa jirin la xidhay, ma waxaynu ognahay inta qof ee hadda xidhan, ma waxaynu ognahay dacwaddii la hadal-hayey ee ahayd in Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe la xidho, ma warka aan hore u maqlay ee galabtana waraysiga uu BBC-da siiyey ku sheegay Faysal ee gacan-qaadkaaga iyo waxa kale ee socda.

Waxaynu ognahay in in badan oo dhalinyarada Reer Somaliland ah si ay u helaan nolol iyo shaqo u raadsadaan Boqollaal Kun Tahriibeen, in badanina Badaha iyo Saxaraha Liibiya ku naf-waayeen, halka ay in kalena u soo yaaceen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, si ay nolol dhaanta ta Somaliland u heli karaan, kuwaas oo halkay ka filayeen nolol ta ay ka yaaceen dhaanta ku balanbalayaan Muqdisho oo kuwii kaga soo horreeyey ee Xildhibaannada ahaa ee metelayey ay badi noqdeen danaystayaal iyo calooshooda u shaqaystayaal aan qof meel geyn Karin, in yar oo ay Xildhibaannada saxda ah iyo Masuuliyiinta kale ee Somaliland u dhashay ee Soomaaliya xilalka ka hayaa meeleeyeen marka laga tago, badi xaalad adag bay ku nool yihiin.

Haddaba, Anigu waxaan ku talinayaa Madaxweyne Xukuumaddaadu siday u shaqaynayso inaad wax ka beddeshaan fadlan, iyadoo ay jiraan wax badan oo fiican oo aad Xukuumad ahaan qabateen labada sano iyo bisha aad jirtaan, haddana waxa qariyey waxaas oo dhan waxa aan quruxda badnayn iyo xad-gudubyada dhacayey welina socda. Sidaa daraaddeed, waxaan kuu soo jeedin lahaa Madaxweyne Muusoow in magac wanaagsani kaa hadho oo intaad joogto lagu mahadiyo ee aan joogitaankaaga la dhibsan.

Waan ogahay oo Kursiga iyo Madaxnimada xagga Illaahay ayaa laga bixiyaa, Illaahay baana kuu qoray inaad ku fadhiisato, hayee-shee haddana Illaahay wuu kugu eegayaa oo imtixaan baa kugu socda, hadba sidaad uga gudubto imtixaankaa ee aad waajibka dalka iyo dadka kaa saaran u gudato ayuu Illaahayna kugu abaalmarinayaa Aakhiro iyo Adduunba, markaa Madaxweyne Khilaafyada jirana soo afjar, dalka iyo dadkana u tudh oo magac wanaagsan iyo sumcad wacani hakaa hadho ayaan talo ahaan kuugu soo jeedin lahaa, waayo Madaxweynahaygii baad tahay, waxkasta oo maamul ahaan iyo hoggaan ahaan kaa qaldama waan dhibsanayaa, waxa wanaagsan ee aad samaysana farxad iyo faan bay ii geli karaan oo waan soo dhawaynayaa, maalmuhuna waa wax kooban oo iska dhammaada ee Madaxweyne Magac-ku-dirir noqo ayaan ku odhan lahaa, Illaahayna xaqa ha inna garan-siiyo.

Wa Billaahi Tawfiiq

Waxa Qoray Siyaasi Maxamed Ismaaciil Warfaa

Warfaa8888@gmail.com

Muqdisho/Soomaaliya.