Faysal Cali Waraabe: “Madaxweynuhu wuu ila Dagaallamay, Hooyadayna wuu Caayey, Laadna..”

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI GUDDOOMIYE CABDIRAXMAAN CIRRO IYO GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI GUDDOOMIYE CABDIRAXMAAN CIRRO IYO GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE

Hargeysa(aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi dagaal gacan ka hadal ah iyo aflagaaddo kula kacay Faysal ahaan wakhti ay kulan foolka fool ah ku wada lahaayeen Madaxweyne Biixi iyo Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah.

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI GUDDOOMIYE CABDIRAXMAAN CIRRO IYO GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI GUDDOOMIYE CABDIRAXMAAN CIRRO IYO GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inay madaxweynaha isku maan-dhaafeen xadhigga Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo muddo dhawr toddobaad ah ku xidhan magaalada Hargeysa, waxaanu Guddoomiye Faysal sidaa ku sheegay waraysi uu galabta siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Mar Faysal oo wax laga weydiiyey Dacwad la sheegay in Qoyska Madaxweynuhu ka gudbinayo, waxa uu sheegay inaanay taasi soo gaadhi, balse Madaxweynuhu arrin dacwad ka fool-xun oo dagaal ah kula kacay, waxaanu yidhi; “Aniga dacwaddaasi ima soo gaadhin, laakiin wax ka xun buu igu sameeyey Madaxweynuhu oo wuu ila dagaallamay 27-ka bishii hore (December 2019), waannu qarinnaynay oo dalka dantiisa ayaannu ka ilaalinaynay, lama maqal, Xafiiskiisa ayuu igula dagaallamay oo uu hooyadayna caayey intuu igu soo tuuray dhalo, laadna igula soo orday.”

“Laakiin, waxa la yidhi yaan la sheegin, ee hadda waannu sheegaynaa. Waxaa isu kayo keenay arrinta Ramaax oo waaran baa loo soo jaray, markaasuu yidhi waa sharci waaranku, anna waxaan idhi; ‘Maaha sharci ee haddii sharci sidani tahay annaguna waannu is-daafici doonnaa’.”

Haddaba, Waraysigaas oo dhammaystiran oo uu arrintan iyo arrimo kaleba kaga hadlayo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.