Garoowe: Puntland Oo Shaacisay Waqtiga Dil Lagu Fulin Doonno Dhallinyaraddii Kufsatay Caa’isha

Garoowe (Aftahannews)-Xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa  shaaciyay  waqtiga la fulin doono xukunka dilka ah ee maxkamaddaha Puntland ku xukumeen saddexdii nin ee kufsaday islamarkaana dilay Caasho Ilyaas Aadan.
Xeer-ilaaliyaha guud ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11-ka bisha labaad ee sannadkaan marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo, goobta laga fulin doonana ay tahay Bosaaso.
Xukumanayaasha ayaa laga wareejiyay xabsiga dhexe Garowe, sababo lagu sheegay in aan xabsigaas loo ogolayn in lagu hayo dad ku xukuman dil toogasho ah, isagoo xabsigaas ay taageerto hay’adda UNODC.

Qoyska Caa’isha Ilyaas, ayaa xeer ilaalinta u gudbiyay codsi ku saabsan in loo qisaaso raggii gabadhooda dilay.