Tahriibayaal La Soo Celiyey iyo Safiir Ku-xigeenka Somaliland Ee Itoobiya Oo Ka Hadlay

Hargeysa, (Aftahannews)-Dhalinyaro Tahriibayaal u dhashay Somaliland oo laga soo celiyey dalka Liibiya, ayaa maanta soo gaadhay dalka, waxaana dhalinyarada hor-kacayey safiir ku-xigeenka Somaliland u fadhiya Itoobiya Barkhad Maxamuud Kaariye oo wehelinayey dhalinyarada.

Dhalinyarada oo dhinaca dalka Suudaan dib loogu soo celiyey, waxa soo-celintooda iska kaashaday Safaaradda Somaliland ee dalka Itoobiya iyo Eheladada dhalinyarada oo markii dambe loo soo gudbiyey dalka Itoobiya ka hor intii aanay saaka ka soo degin gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Safiir ku-xigeenka safaaradda Somaliland ee dalka Itoobiya Barkhad Maxamuud Kaariye oo markii ay saaka ka soo degeen gegida diyaaradaha ee Hargeysa saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey dedaalladii ay u galeen soo-celinta dhalinyarada.