Al-shabaab oo ku hanjabay inay weerarayaan saldhigyada maraykanka

Muqdisho (Aftahannews)- Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan bartilmaameedyada Mareykanka ee adduunka oo dhan maalmo kadib markii ay qaadeen weerar aan hore loo arag oo lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan Kenya.

“Waxaa nagu ballan ah dhiig daadin kale oo ka dhan ah Askarta Mareykanka iyo rayidkooduba” ayaa lagu yidhi hanjabaada kasoo baxday ururka Alshabaab.

Alshabab waxay sheegeen weerarkii xerada Mareykanka ee Manda Bay ee kutaala Kenya in uu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa marka loo eego beegsiga ciidamada Maraykanka tan iyo 2017.

Gen Stephen Townsend, oo ah taliyaha AFRICOM, ayaa ku taliyay in wax laga qabto ka hor inta ayna shabakadda Al-shabaab ku fidin meelaha kale, ayna ku laayaan muwaadiniinta Mareykanka ee dalkooda ku sugan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.