Donald Trump Oo Ballaadhinaya Xanibaada Safar Ee Dalalka Islaamka

Washintong (Aftahannews)-Sharci dejiyaasha dimoqraadiga iyo kooxaha xuquuqda madaniga ah ayaa si weyn u hadal haya qorshooyinka Aqalka Cad ku doonayo in uu ballaadhiyo xayiraadda safar ee lagu bartilmaameedsanayo waddamada muslimiinta ah ee aqlabiyadda ku leh dalal dhowr ah.

Xayiraadda maamulka Trump ee socdaalka ee saaran toddobo waddan oo muslim ah, ayaa si weyn loogu kordhin karaa illaa iyo toddobo dal oo dheeri ah, sida ku xusan dukumiintiyo la helay oo dhigaya xayiraad la ballaadhiyey iyo xannibaado kale.

Sharci-dajiyayaasha Muslimka ah Rashida Tlaib iyo Ilhan Omar, ayaa si adag u dhalleeceeyay qorshahaan, waxayna ku baaqeen in la meel mariyo sharciga federaalka ee mamnuucaya xayiraadda Trump.

“Ma jirto Sugitaan dambe, Muslimiin aad u tiro badan ayaa si ula kac ah loo bartilmaameedsaday, loo takooray, la kala geeyay qoysaskooda, waxaana loo diidey fursadaha kaliya ku saleysan diintooda. Ayay tidhi Rashida Tlaib.
Waqtigan xaadirka ah, u safridda Mareykanka waxaa ka mamnuuc ah waddamada sida weyn loo yaqaan ee Muslimka ah ee Iran, Libya, Soomaaliya, Syria iyo Yemen. Safarka sidoo kale waa ka mamnuuc Venezuela iyo North Korea.

Wadamada cusub ee uu saameeyay xayiraadda ayaa waxaa ka mid ah Ciraaq, Suudaan iyo Chad, oo lagu soo daray cuna-qabateyntii maamulka Trump ee bilowgii 2017, laakiin markaas hoos loo dhigay.