Qaramadda Midoobay Oo Ka Hadashay Wadahadaladda Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargeysa, (Aftahannews)- Qaramada Midoobay ayaa riixaysa dib u cusbooneysiinta wada hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo sanado ah aan iskugu imaan miiska wada hadalka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire James Swan ayaa booqday Hargeysa isagoo farriin gaar ah u diray madaxweyne Muuse Biixi una sheegay taageerada Qaramada Midoobay ee ku wajahan dadaallada lagu dhiso kalsoonida labada dhinac iyo xoojinta wadahadalka Hargeysa iyo Muqdisho.


Swan waxa uu yidhi “Waxaan aaminsanahay inay jiraan dhinacyo badan oo iskaashi balaadhan oo lagu horumarin karo amniga, kor loogu qaadi karo kobcinta dhaqaalaha, laguna horumarin karo nolosha dadka,”
Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibada Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa sheegay in madaxwayne Muuse Biixi uu u xaqiijiyey waftiga UN-ka in Somaliland ay diyaar u tahay inay wada hadal la gasho Soomaaliya.