Turkiga Oo Lagu Maxkamadeynayo Nin Liqay Fargal Dheeman Ah!

Muqdisho (Aftahannews)-Nin u dhashay dalka Ireland oo dhawaan liqay fargal dheeman ah ayaa u sheegay dacwad oogayaasha  in aannu oggeyn inuu yahay qofka falkaasi sameeyay sababtoo ah buu yidhi waan ku indho sarcaaday quruxda fargalka.

Ian Campbell oo ku dalxiisayay magaalada Marmaris ee dalka Turkiga ayaa la xidhay bishii October ee sannadkii hore kaddib markii uu la qay fargalkii dheeman ah oo ku kacaya qiimo lacageed oo dhan 40 kun oo doolar oo lagu iibinayay xarun ku taalla dalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay booliiska in Campbell uu liqay fargalka markii uu xaqiiqsaday in lagu qaban karo isaga oo doonayay inuu xaddo.

Warbaahinta Turkiga ayaa ku soo waramaysa in markii la baadhay Cambell la xaqiijiyay in fargalka dhaymanka ah uu ku jiro calooshiisa, waxayna tanni u baahan tahay qaliin si looga soo saaro.

Eedeysanaha oo 54 jir ah ayaa laba maalin ku qaatay cusbitaalka Marmaris isaga oo cabayay biyo badan, sameynayay socod yar iyo boodid si uu fargalka u soo dhaafo dheefshiidkiisa.

Maamulka dalka Turkiga ayaa furay dacwad dambi loogu soo oogayo Ian Cambell, waxayna u muuqataa in dacwada ninkan loo helay marqaatiyaal badan oo xaqiijinaya inuu eedeysanaha u socday fal xatooyo ah.