Rivaldo Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Tababaraha Barcelona

Hargeysa, (Aftahannews)-Mid ka mid ah halyeeyadii soo martay kooxda Barcelona ayaa weerar ku qaaday macalinka reer Spain ee Ernesto Valverde, kaddib guuldarradii xalay ka soo gaadhay Atlético Madrid.

Halyeeyga reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa sheegay in guuldarradii Atlético Madrid ee 2-3 aheyd ee kulankii xalay wareega afar dhamaadka Spanish Super Cup aysan faa’iido u yeelan doonin tababare Ernesto Valverde, isla markaana ay dayici doonto mustaqbalkiisa Blugarana.

Rivaldo ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Barcelona kama seexan karto kulamada muhiimka ah, waa wax laga xumaado gaar ahaan xilli ay kooxda xakamaysay ciyaartii xalay, xaqiiqada ayaa ah inaysan dhici Karin hoos u dhac ku yimaada  difaacyadda, marka aad la ciyaareyso koox adag oo uu tababare u yahay Diego Simeone oo ah qof xamaasadeysan oo had iyo jeer ugu qeyliya gudaha iyo banaanka garoonka ciyaartoydiisa”.

“Guuldaradan ayaan wax faa’iido ah u yeelan doonin waligeed Ernesto Valverde, waxaad i xasuusisay guuldarradii Champions League ee Roma iyo Liverpool, kaddib guuldarradii Jeddah mustaqbalka macalinka ayey khatar galin kartaa, waxaa suurtogal ah inay noqoto dhamaadka xilli ciyaareedkan, maxaa yeelay koox sida Barca oo kale ah ma sii wadi karto inay guuldarreysato kulamadan oo kale”.

“Valverde waa inuu ogaadaa in howsha macalinka ay sidoo kale tahay inuu garto waxyaabaha aan guuleysan Karin ee ciyaarta, iyo in la xaliyo dhibaatooyinkaas, waa inuu sidoo kale gartaa hadii uu ku qanacsan yahay natiijada, waxaa suurtogal ah in kooxda kaa soo horjeedo ay layaab sameyso, si uu u badelo qaabka ciyaarta, isla markaana uu ciyaarta dhinaca kale u dhigo” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay halyeeyga reer Brazil ee Rivaldo.