Kongreska Oo U Codeeyay In La Xadido Awoodda Trump Ee Dagaalka

Washington (Aftahannews)- Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa u codeeyay qaraar lagu xaddidayo awoodda milateri ee madaxwyene Trump uu u leeyahay in uu dagaal ku qaado dalka Iran.

Qaraarkan waxa isku raacay inta badan xildhibaanada Congress-ka, inkasta oo aan wali loo gudbinin aqalka sare oo ay ku badan yihiin xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Trump ka soo jeedo.

Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay sidii uu madaxweyne Trump Aqalka Hoose ugu soo wargelin lahaa tallaaba walba oo milateri oo ka dhan ah Iran, waxaase laga reebay haddii Iran ay weerar kusoo qaaddo Mareykanka, taas oo uu madaxweynaha xaq u leeyahay in uu iclaamiyo dagaal.

Dalalka Mareykanka iyo Iran may aanay shaacin dagaal milateri oo dhexmara, inkasta oo Iran ay sheegtay in weerarkii dhawaan ay ku qaadday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq uu bilaw u ahaa tallaabooyin milateri oo ay damacsan tahay.

Congress-ka Mareykanka ayaa cuskaday xeerkii awoodaha dagaalka ee sanadkii la ansixiyey sannadkii 1973-kii, kaas oo aqalka Congress-ka awood u siinaya in ay eegaan awoodda uu madaxweynuhu uu u leeyahay in uu dagaal iclaamiyo.

Haseyeeshee, waxaa wali taagan su’aalo la xidhiidhao dhanka sharciyadda, taas oo ah in Congress-ku uu cuskan karo qodobkaas sharci.

Afhayeenka aqalka kongreska, Nancy Pelosi ayaa markii Mareykanka uu dilay Qassem Suleimani waxay sheegtay in aanay aaminsaneyn in Mr Trump uu nabadgelyo kusoo dabaalay Mareykanka.

Balse Trump oo ka hadlay qaraarkan ay u codeeyeen Congress-ka ayaa sheegay in uu rajeynayo in xisbiga Jamhuuriga ee uu ka tirsan yahay ay qaraarkan ku gacan seydhi doonaan.

Arrinta ayaa timid kadib markii Iran ay weerartay saldhigyada Mareykanka ee gudaha dalka Ciraaq. Trump ayaa sheegay in aanay jirin dad Mareykan ah oo wax ku noqday weerarkaas, burbur aan weyneyn-na uu soo gaadhay xarumahaas.

Mar uu la hadlayay warbaahinta ayaa madaxweynaha Mareykanka waxaa uu sheegay inuu cunaqabateyn hor leh kusoo rogeyo Iran, si looga jawaabo tallaabada aargoosiga ah ee ay qaadday xukuumadda Tehran.

Trump ayaa dhinaca kale dalalka Midowga Yurub, Ruushka iyo Shiinaha ka dalbaday inay ka baxaan heshiiskii nuclear-ka ee Iiraan, kaasoo uu dhawaan Mareykanku laalay.

In ka badan 10 gantaal oo laga soo riday gudaha Iiraan ayaa lagu garaacay labo saldhig oo ay ciidamada Cirka ee Mareykanku ku leeyihiin magaalooyinka Irbil iyo Al Asad oo dhinaca galbeed ka xiga caasimadda Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Weerarradan ay Iiraan fulisay ayaa yimi saacado yar ka dib markii la aasay Qasem Suleimani oo ahaa taliyihii ciidamada Iiraan ee Bariga dhexe.