Boqor Buurmadow oo Xukuumada uga digay fara-gelinta gudida cusub ee Doorashooyinka

Hargeysa (Aftahannews)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah Salaadiinta dhaqanka ee Somaliland, ayaa waxaa uu ka hadley muranka xoogan ee ka taagan gudida cusub ee Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland.

Buurmadoow ayaa waxaa uu uga digay xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi in ay fara geliso muranka ka dhex taagan gudiddaasi cusub ee Doorashooyinka.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow ayaa sheegay in aanay habayaraatee marnaba deegaankoodu aqbali doonin in la kala diro gudida cusub ee Doorashooyinka Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu Buurmadoow sheegay in Beeshoodu ay ku khasaartay doorashadii ay doorteen Madaxweyne Muuse Biixi.

Boqor Buurmadoow ayaa waxaa uu sidoo kale ka digay in Xukuumada Madaxweyne Biixi ay si gaar ah u fara geliso guddoomiyaha cusub ee Koomiishan doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac.

 

Hoos ka daawo muuqaalka warka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.