Atletico Madrid Oo Guul-darro Cajiib Ah Ku Ridday Kooxda Barcelona

Atletico Madrid ayaa guul cajiib ah kaga gaadhay kooxda Barcelona kulanka wareega afar dhamaadka ee koobka Spanish Super Cup, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-3, waxay kulanka finalka balan kaga sameysteen kooxda ay isku magaalada yihiin ee Real Madrid.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay bar-bardhac 0-0 ah.Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 46-aad kooxda Atletico Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 0-1 ka dhigay Koke, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkii Angel Correa.

Laakiin daqiiqadii 51-aad kooxda Barcelona ayaa heshay goolka barbaraha, waxaana ciyaarta 1-1 ka dhigay Lionel Messi, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkii Luis Suarez.

Daqiiqadii 62-aad Barcelona ayaa markeeda hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 2-1 ka dhigay Antoine Griezmann.

Daqiiqadii 81-aad kooxda Atletico Madrid ayaa heshay rigoodhe ama gool ku laad waxaana ciyaarta 2-2 ka dhigay weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata.

Laakiin daqiiqadii 86-aad ayeey sheeko isbadeshay kaddib markii ay kooxda Atletico Madrid markale la wareegtay hoggaaminta ciyaarta waxaana 2-3 Angel Correa, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Alvaro Morata.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-3 ay ku adkaatay Atletico Madrid, wiilasha tababare Diego Simeone ayaa waxay sidaa ballan kaga sameysteen kooxda Real Madrid faynalka koobka Spanish Super Cup oo ay wada ciyaari doonaan Axada soo socota.