Xildhibaano Ka Tirsan Wakiilada Oo Ka Hadlay Xiisad Ka Taagan Deegaanno Dahabka Laga Helay

Hargeysa (Aftahannews)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud iyo Xildhibaan Maxamed Salaax Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka, ayaa ka hadlay xiisad ka taagan deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag, oo u dhexeeysa laba Beelood oo deegaankaas wada dega.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud iyo Xildhibaan Maxamed Salaax Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud wuxuu yidhi “Gobolka Sanaag waa Gobolka ugu balaadhan dalka, dhibaatooyinkii ka taagnaana hadda kama taagna, laakiin Deegaanka la yidhi dahab baa laga helay ayaa xiisadi ka taagan tahay, oo waa tii dhawaan halkaas dagaal ka dhacay, ee labada Beelood ee halkaas dega waa Beelo ehelo, oo isku deegaan ah, ee mar dambe yaanu dagaal dhex marin, oo xooga ha la saaro sidii aanu mar dambe dagaal uga dhex dhici lahayn, dagaal dhaca oo cidi inagaga dhimanato uma taag hayno, ee waayeelka iyo wax garadku dhaliyanyarada ha u caqli celiyaan, oo heshiis ha dhex dhigaan”.

Mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka ayaa wuxuu  yidhi “Doorashooyinka oo dalkeena ka dhacaa waa muhiim, waxaa se ka sii muhiimsan in inta aan wakhtiga Doorashooyinka la gaadhin in wax badan wax la sii qabto sida tabashada Saami-qaybsiga, maxaa yeelay haddii la doonayo in Somaliland la wada la haado, oo ay inaga wada dhexeeyso waa in wax laga qabtaa oo la sameeya saami-qaybsiga oo muddo dheer tabashadiisu taagnayd, Maxkamadduna waxay go’aamisay 2005 in Doorashada dambe ee Golaha Wakilada in lagu galo Saami-qaybsiga, Doorashada soo socota ee Wakiiladuna waa in saami-qaybsi lagu galaa, waxaana aad iyo aad u soo dhaweeya wax walba oo lagu heshiiyo oo ku saabsan inay inoo qabsamaan Doorashooyin lagu wada qanacsan yahay”.

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige oo isna ugu horeyn ka hadlay xiisada ka taagan Deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa yidhi “Dahab iyo macdan la leeyahay waa la helay, waxaa ka xun iyadoo dhiig loo daadiyo, ee labada beelood ee walalaha ahi yaanu shaydaan ka faa’iidaysan ee ha is dajiyaan, oo ha ka dheeradna fidno dhexdooda ka dilaacda, oo wixii khayraada ah ee inoo soo kordha, cid gaar ah umay soo kordhin ee waa wax inoo soo wada kordhay, ee dagaal dambe oo dhaca yaan la arkin”.

Mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka ayaa yidhi “Ilaa hadda Komishankii cusbaa lama kala dirin, Komishankii horena dib looma soo celin, go’aan rasmiya oo ku waajahan Doorashadu wakhtiga ay dhacaysana lama garanayo, laakiin in mar walba la muujiyo rajo wanaagsan ayaa meesha taala, in badana Beelaha Darafyadu waxay ka cabanayeen Saami-qaybsiga, ee iyana in tabashada Saami-qaybsiga in qorshe laga yeesho oo Beelaha darafyadu waxay xaqa u leeyihiin la siiyo weeye”.