Burcadda Internet-Ka Oo La Wareegay Adeega Sarifka Online-Ka

Hargeysa, (Aftahannews)-Burcad baraha internet-ka ayaa BBC-da u sheegay in ay xoog kula wareegeen qalabka iyo kumbuutarada shirkad ka shaqeysa sarifka caalamiga ah, aynna ka doonayaan $6 milyan oo dollar oo madax-furasho ah.

Kooxda oo loo garanayo Sodinokibi waxay maalmihii ugu horreeyay ee sannadka weerar ku qaadeen shabakadda Travelex, iyagoo shirkadda ku qasbay in bogaggeeda illaa 30 dal oo daafaha caalamka ah ay xidho, si ay uga hortagto feyriska aynna u ilaaliso xogta macaamiisheeda.

Travelex oo kumannaan goob oo lacago lagala baxo iyo xarumo ganacsi ku leh garoomada diyaaradaha caalamka iyo magaalooyiinka daafaha dunida, waxay hadda shaqaaleheeda adeegsanayaan qalin iyo warqad, si ganacsiga uu u socdo.

Burcaddan internet-ka oo sidoo kale loo garanayo REvil, waxay sheegtay in muddo lix bilood ah ay maamulayeen adeegga hoose ee kumbuyuutarada shirkadda, ayna la baxeen macluumaadka xasaasiga ah ee macaamiisha shirkaddaas.

Taariikhda dhalashada, macluumaadka kaararka bangiga, iyo lambarada caymiska qaranka ee macaamiisha oo dhan in ay gacanta ku hayaan ayey BBC u sheegeen.

Waxaa lagala xiriiray bog ay burcadda leedahay oo dadka ay dhibaateeyaan kala xidhiidhi karaan, kaas oo adeegsada barta TOR.

Burcaddan internet-ka waxay sheegeen: “Haddii lacagta la bixiyo, waan iska tireynaa dhammaan macluumaadka aan hayno, waxaana dib u celineynaa xidhiidhka shirkadda oo dhan ee gacanta aan ku hayno”Haddii laba maalmood ay lacagtaas ku bixin waayaan, way laba jibbaarmeysaa. Ka dib waxay haystaan toddobo maalmood oo kale. Ka dibna waxaan baahineynaa dhammaan xogta oo aan iibsaneyno.”

Booliska London – oo hoggaaminaya baaritaanka la xidhiidha weerarkan – waxay soo saareen warbixin ay ku sheegeen in loo soo gudbiyay arrintan ah weerar internet-ka oo madax-furasho lagu doonayo oo lagu haysto macluumaadka shirkad sarifka ka shaqeyso oo caalami ah. Baadhitaanka arrintan weli wuu socdaa”.

Travelex waxay sheegtay in booliska ay kala shaqeyneyso, ayna soo daadgureeyeen kooxo ku taqasusay arrimaha IT-ga iyo khubarada amniga dibadda ee internet-ka, kuwaas oo si joogto ah u shaqeynaya.

Sida uu sheegay Fabian Wosar, oo khabiir ku ah arrimahan, kana tirsan Shirkadda amniga internet-ka ee Emsisoft, weerarka wuxuu leeyahay dhammaan calaamadaha lagu garanayo burcadda REvil”Arrinta aan ka ognahay dhacdooyiinkii hore iyo howlgalada burcadda ayaa sababaya in aan aaminno in REvil ay dhibaato xoog leh u geysatay Travelex,” ayuu yidhi”Kooxda REvil/Sodinokibi waa mid awood adag lahayd in muddo ah. Lacagta madax-furashada ee ay dalbadeen waa mid ay aalaaba ka qaadaan shirkadaha la midka ah Travelex.