Masuuliyiin Madaxtooyada Ka Tirsan Oo Kormeer Ku Maray Dhismaha Waddada Hargeysa Iyo Berbera

Hargeysa(Aftahannews):- Wefti uu hoggaaminaayo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed Muuse Abees oo uu ku wehelinaayo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Xasan Cabdi Madar iyo Saraakiisha Hay’adda Waddooyinka oo isugu jira Injineerro (Engineers), ayaa maanta hawlo shaqo u tegay waddada isku xidha Berbera iyo Hargeysa, taasoo dib u dhis dhawaanahanba ka socday.

IMG_0051

IMG_0094

IMG_0196

Ujeeddada socdaalka Weftigan ayaa ahayd in ay goob-joog ka noqdaan gunta iyo gunaanadka waddada isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo shalay intii ugu danbaysay ay ka bilaabantay Tuulada Lafa-ruug, kuna dhammaan doonto Berbera.

Sidoo kale, waxa Weftigani ay kormeer ku soo mareen Dooxyada waa weyn ee jidadkaasi mara oo maalmihii u danbeeyey-ba uu Roobku xoog u hayey soona rogay daadad xoogleh oo waddooyinka ku soo ururiyey Ciid aad u badan, balse hay’ada waddooyinka, Maamulada degmooyinka iyo gobollada ay hoos tagaan Dooxyadani oo is kaashanaya ka hawlgeen sidii ay u bannayn lahaayeen waddooyinkaas ciiddu buux dhaafisay.

Waxa kale oo ay u kuur-galeen Weftigaasi iyaga oo kaashanayaa Aqoonyahanno ku xeel-dheer waddooyinka sidii Dooxyadaasi looga hortagi lahaa si aanay wax dhiba u soo gaadhsiin waddooyinka, dhawaana laga hawlgeli doono, sida lagu sheegay qoraal Madaxtooyadu soo dirtay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.