Jabuuti Oo Ka Hadashay Xilliga Ay Bilowbayso Ololeedda Kursiga Qaramadda Midobay

Jabuuti, (Aftahannews)- Dowladda Jabuuti, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday xilliga kama dambeysta ah oo ay ku dhawaaqi doonto ololaheeda ay ku baadi goobeyso kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kursigan oo ah mid ay leedahay Afrika, gaar ahana dalalka Bari, ayaa waxaa isku haysta Jabuuti iyo Kenya. Midowga Afrika ayaa hore u taageeray musharaxnimada Kenya, hase yeehee Jabuuti ayaa ku gacan saydhay, kuna adkeystay inay tartameyso.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in iyadoo cuskaneysa xeerarka Midowga Afrika ay rajo fiican ka leedahay kursiga Golaha Ammaanka ee waqtigiisu yahay 2021-2022 sida lagu sheegay war saxaafadeedka ka soo baxay ergada joogtada ah ee Jabuuti ee QM.

5-ta Bisha December ee sannadkaan ayey Howlgalka Jabuuti ee Qaramada Midoobey sheegtay inay soo sharixi doono musharaxooda ku mateli doona booskaa.

Dowladda Jabuuti ayaa Caalamka ka codsatay in lagu taageero sidii ay u heli laheyd kursigaas oo uu tartan adag kala dhaxeeyo dowladda Kenya oo iyadana dadaalkii ugu dambeeyey ku bixineyso inay kaga guuleysato Jabuuti.

Jabuuti ayaa sheegtay inay wax badan kaga qeyb qaadan karto xaaladaha ka jiro Caalamka maadaama ay sheegtay ay aqoon iyo qibrad fiican ka heysato Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Midowga Afrika.

War saxaafadeedka Jabuuti ayaa lagu dhex sheegay howlaha ay qabatay, waxaana ka mid ah dadaalladeeda nabad dhlinta Soomaaliya sida howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka tahay iyo shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee laba jeer qabatay.

Dowladda Somaliya ayaa xilli hore shaacisay inay taageersan tahay dowladda Jabuuti ayna ku garab taagan tahay sidii ay ku heli laheyd Kursigaasi.

Kenya oo dhankeeda damac wayn uu kaga jiro helitaanka Kursigan ayaa iyada galaan-gal xoog leh waxa ay ka wadaa dalalka Afrika si ay taageero uga hesho.