Degdeg: Booliska Somaliland oo Xabsiga Dhigay Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga Waddani

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Hargeysa(aftahannews):-  Ciidammada Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa caawa Xabsiga u taxaabay Xoghayaha guud iyo Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ka dib markii Masuuliyiinta sare ee Xisbigaasi Taageerayaashooda ugu baaqeen inay Isniinta Berri isugu yimaaddaan Xarunta dhexe ee Xisbigu ku leeyahay Hargeysa.

XOGHAYAHA GUUD IYO AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI KHADAR XUSEEN CABDI IYO BARKHAD JAAMAC BATUUN OO LA XIDHAY 2019
XOGHAYAHA GUUD IYO AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI KHADAR XUSEEN CABDI IYO BARKHAD JAAMAC BATUUN OO LA XIDHAY 2019

Taliyaha Booliska, Afhayeenka Madaxtooya Somaliland iyo Maayerka Hargeysa oo dhammaantood Shirar Jaraa’id ku qabtay Hargeysa galabta illaa caawa, ayaa sheegay inaan la oggolayn oo ay sharci-darro tahay inay Taageerayaasha Waddani isu soo baxaan, isla markaana aan la aqbali doonin in isu soo bax ka dhaco Hargeysa, inkastoo Guddoomiyaha iyo Afhayeenka Waddani aanay bannaan-bax iyo muddaharaad toona ku baaqin ee ay ugu baaqeen inay taageerayaashoodu yimaaddaan xarunta dhexe ee Xisbigu ku leeyahay Hargeysa.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo Caawa Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inaan la baajinayn kulanka xaruntooda dhexe ee Hargeysa ugu baaqeen inay ugu qabanayaan Taageerayaashooda, isla markaana aanay nabadgelyo-darro wadin ee ay Booliska ka codsanayaan inay nabadgelyada kala shaqeeyaan.

Haseyeeshee, Barkhad Batuun waxa uu Maayerka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco ku eedeeyey inuu abaabulay dhalinyaro rabshado ka sameeya Hargeysa Isniinta Berri, si taageerayaashooda ay ballamiyeen iyo Xisbigooda Waddani loogu eedeeyo fawdada ay samayn doonaan dhalinyartaas.

Balse, markii laga soo dareeray Shirka Jaraa’id ee uu Barkhad Jaamac Batuur Afhayeenka Waddani ku qabtay Hargeysa Salaaddii Cishaa’I ee caawa, waxa la sheegay Daqiiqado ka dib inay Ciidammada Ammaanku galeen Guriga Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro, kaas oo ku yaalla Xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa, iyadoo la sheegay in halkaas laga qabtay oo ay Boolisku ka kaxeeyeen Gurigaas Afhayeenka Waddani Barkhad Jaamac Batuun, kaas oo uu Xarunta C.I.D-da ku booqday Xoghayaha guud ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo isna Xabsiga la dhigay, sida uu Warbaahinta caawa u xaqiijiyey Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro.

Geesta kale, Guddoomiye Cirro oo Bartiisa Twitter-ka caawa soo dhigay qoraal kooban, ayaa ku yidhi sidan: “Shacabka dareenkiisa xadhig iyo cabbudhin toona laguma joojin karo. Waa innoo aroorta iyo xarunta dhexe ee (Xisbiga Waddani).”

Wixii warar ah ee arrimahaas ka soo kordha, waxaannu idiinku soo gudbin doonnaa oo aad kala socon doontaan Warbaahinta aftahannews.com baahinteenna kala duwan ee caawa ee la socod fiican.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.