Hargeysa: Gabadh Meydkeeda la keenay Cusbitaalka guud, Sababta ay u dhimatay iyo Sheekh loo xidhay

Hargeysa(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Meydka Gabadh dhalinyar ah oo la odhan jiray Ugbaad Axmed Ismaaciil, ayaa la keenay qolka Meydka Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, Gabadhaas oo da’deeda lagu sheegay 17-jir, ayaa geeriyootay, ka dib markii uu Nin dadka dabiibaa Koronto ama laydh uu madaxa kaga dhejiyey sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen ehelada Ugbaad.

BOOLISKA HARGEYSA

Gelinkii dambe ee Isniintii shalay, ayaa Meydka Allaah ha u naxariistee Ugbaad Axmed Ismaaciil la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaasoo uu weli yaallo sida ay Aftahannews u sheegeen goob-joogayaal iyo Eheladeeda qaarkood, waxay Gabadhaas dhalinyarada ahayd oo xanuunsanaysay u dhimatay Korontu uu ku dhejiyey Nin Wadaad ah oo magiciisa lagu sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen, kaasoo dadku dawo-doonasho ugu tegi jireen oo dabiibi jiray xanuunnada Jinka iyo waxyaabaha la midka ah sida la sheegay.

Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen, oo muddo dabiibi jiray Marxuumad Ugbaad oo uu gurigooda ugu iman jiray eheladu sheegeen, ayaa shalay Korontu la sheegay inuu dabiibkeeda u isticmaalay ku dhejiyey, isla markaana markii uu arkay inay geeriyootay Ugbaad Hooyadeed u sheegay inay suux-san tahay, ka dibna wuu baxsaday, hase-yeeshee, Ciidanka Booliska Saldhigga Ibraahin Koodbuur ee magaalada Hargeysa, ayaa gacanta ku soo dhigay ninkaas Sheekha ah oo ku dhuumanayey guri ku yaalla isla Degmada Koodbuur sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen ehelada Qoyska Geeridu ku timid.

“Ninkan wadaadka ahi waxa uu yidhi; ‘Jinkaa lagu saaraa Laydhka (Korontada) dabadeedna siday Inanta Hooyadeed noo sheegtay Laydh ayuu ku qabtay, markuu arkay inay dhimatay ayuu inanta Hooyadeed ku yidhi; ‘Ugbaad way yara suuxsantay’. Balse daqiiqado ka dib-ba dhiig ayay Ugbaad Sanka keentay.” Sidaa waxa yidhi oo Aftahannews.com u sheegay mid ka mid ah Ehelada Marxuumadda geeriyootay.

“Markaas ayay Hooyadeed u qayla-diratay ehelada oo aannu u nimi, Booliskana waannu war-gelinnay. Markii Booliska iyo annagu aannu tegnay meeshii uu dadka ku dawayn jiray waannu waynay, laakiin waxa naloo soo sheegay inuu Guri degmada ka tirsan joogo, halkaas ayay Boolisku ka soo qabteen.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ehelada Marxuumadda oo Weriye Aftahannews ka tirsan caawa khadka taleefanka ugaga warramay arrintaas iyo sida ay u dhacday.

Dad goob-joog ahaa iyo Ehelada Marxuumadda Dhimatay, ayaa sidoo kale Wargeyska Himilo uga warramay siday wax u dhaceen, waxaanay sheegeen in ninkan la yidhaahdo Sheekh Cabdiraxmaan ay dadku dawo-doonasho ugu tegi jiraan, isla markaana markii ay Ciidammadu ka soo qabteen guri ku yaalla isla magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka baxsaday guriga uu wax ku dawayn jiray markii ay gabadhaas oo uu ugu tegi jiray gurigooda si uu u soo daweeyo ay ku geeriyootay laydhka uu ku dhejiyey. Waxaanay eheladu intaas ku dareen in ninkaasi Ciidanka uu u caddeeyey inuu u adeegsaday daaweynta Marxuumada aalladda Korontada, dabka ama laydhka qofka sida uu u yaqaanno.

Sarkaal ka tirsan Ciidammada Booliska Somaliland oo ka gaabsaday in magiciisa la shaaciyo, ayaa Aftahannews u sheegay in ninkaas Wadaadka ah xalay loo soo wareejiyey xarunta baadhista Dembiyada ee C.I.D-da ee magaalada Hargeysa, halkaasoo uu ku xidhan yahay, isla markaana waxa uu intaa ku daray in baadhista kiiskani bilaabantay oo ay Ciidanka baadhista Dembiyadu gacanta ku hayaan.

Si kastaba ha ahaatee, halista ay dadweynaha reer Somaliland kala kulmaan goobaha Caafimaadka ee Cilaajyada loo yaqaanno iyo goobaha kale ee Caafimaadka, ayaa beryahan dambe u muuqata mid isa-soo-taraysa, iyaga oo Xaafad kasta oo magaalada Hargeysa ka mid ah dhawr Cilaajyo iyo goobo kale oo Caafimaad oo dad gaar ahi ay leeyihiin, una furteen si ay ugu shaqaystaan aad ku arkayso.

Maaha dhacdadani markii ugu horraysay ee ruux dawo ahaan loo geeyo goob Cilaaj ah uu sidan oo kale naftiisa ugu waayo, balse dhawr qof oo hore ayaa sidan oo kale ugu geeriyooday hawlgal caafimaad oo ay dadka Cilaajyada ka shaqaystaa ku sameeyeen.

Dawladda Somaliland, ayaan iyadu waxba ka qabannin dhibaatooyinka Caafimaad ee dalka ku soo kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa, taasoo u muuqata inay Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka Somaliland ku fashilmeen inay Bulshada ka hubiyaan goobaha caafimaad ee isugu jira kuwo dhaqan iyo kuwo kale waddanka ka furan, maalinba maalinta ka dambaysana soo badanayaan tiradooda iyo halistooduba.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.