Khasaaraha ka dhashay Gaadhi ku qarxay deegaanka Xamaas ee Jidka Berbera iyo Hargeysa dhexdooda

Xamaas(Aftahannews):- Allaah caafimaad ha siiyee inta la xaqiijiyey laba qof, ayaa ku dhaawacmay shil Gaadhi oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Xamaas ee gobolka Saax, Tuuladaas oo ku taalla waddada u dhaxaysa magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa una dhaw dhinaca Berbera.

XAMAAS GAADHI SHIL-GALAY OO QARXAY

Baabuurka shilka galay oo sida la sheegay ahaa Land-cruiser nooca Layla-calawi loo yaqaanno, ayaa lagu soo warramayaa inuu qarxay oo uu gubtay markii ay isku gaadhi nooca xamuulka ah oo ay jidka isku dhaafayeen oo dhinaca ku dhuftay. Waxaanu warku intaa ku daray in isku-dhacaa labada Baabuur ay sababtay in gaadhiga Langaruusalka ah oo xawaare sare ku socday uu waddada ka baxo, isla markaana uu sameeyey qarax xooggan oo nawaaxiga waddada laga maqlayey sida la sheegay.

Gaadhiga ayaa la sheegay inuu ku sii socday magaalada Berbera, waxaana saarnaa afar qof, afartaas ruux oo lab aka mid ah oo gabdho ahaa uu dhaawac soo gaadhay sida laga soo xigtay dadka deegaanka, kuwaasoo la sheegay marka loo eego sida uu shilku u dhacay iyo qaraxa uu gaadhiga ay saarnaayeen sameeyey inay sahlan yihiin.

Laba Hablood ee shilkaasi ku dhaawacmay, ayaa markaa ka dib loo qaaday Cisbitaalka guud ee magaalada Berbera, si xaaladdooda caafimaad loola tacaalo, halka Ciidanka nabadgalyada waddooyinka ee gobolka Saaxil ay bilaabeen baadhitaan la xidhiidha shilka iyo sababta keentay ama uu u gubtay gaadhiga dadku ku dhaawacmeen.

Qaraxa gaadhiga shilka galay, ayaa layaab ku noqotay dadka deegaanka Xamaas iyo dadkii la socday gaadiidka kale ee jidkaasi marayey, waxaana halkii shilku ka dhacay ku hakanayey gaadiidka, iyaga oo dadku isweydiinayey qaraxa gaadhigaasi, waa markii ugu horreysay ee la sheegay in gaadhi si caadi ah shil u galay oo aan wax hub ahi saarnayn uu sidan oo kale qarax u sameeyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.