Maxaad ka ogtahay halista Caafimaad ee ay Kabaha Cidhibta dheeri ku hayaan Dumarka?

Daraasad cusub ayaa waxay sheegaysaa in dumarka casrigan joogaa ay aad u jecel yihiin inay xidhaan kabo cidhib dheer leh iyaga oo markaa ay u weheliso inay kala kulmaan kabahaa xanuun badan oo ay ku keenaan. intooda badana ay guryahooda ku soo noqdaan iyagoo cago cad.

kabo

daraasadu waxa ay sheegtay in kastoo ay dumarku ka helaan xarago badan isla markaana ay isku dheereeyaan kabaha cidhibta dheer gaar ahaan wakhtiyada ay xafladaha tagayaan iyagoo markaa u muuqda inay diyaar u yihiin inay xamilaan xanuunka badan ee ay ku sameeyaan kabahaasi ayaa hadana intooda badani ay ku soo noqdaan guryahooda iyagoo kabahaa aan xidhnayn,

Waxa ay sheegtay jariirada OK ee kasoo baxda dalka ingiriiska in 73% dumarka xidha kabaha cidhibta dheer marka ay xafladaha tegeyaan inay ku soo noqdaan guryahooda iyagoo gacmaha ku sita kabahooda.

Daraasadan oo ay sameeyeen mac,had ka DIPANHAM oo lagu sameeyey 1000 haweena oo da,doodu u dhaxayso 16 jir ilaa 40 jir ayaa waxay sheegtay in haweenkaa 89% ay sheegeen inaanay iska deyn doonin inay xidhaan kabaha cidhibta dheer halka 80% ay sheegeenba inay xidhan doonaan xitaa hadii ay 60 jir noqdaan.

Waxa kaloo ay daraasadu sheegtay in dumarka iibsada kabaha cidhibta dheer badankoodu ay ku fakaraan inay iibsadaan kabo kale oo cidhib yar oo ay shandada ku sii qaataan isla markaana ay soo xidhaan inta ay dhexda kusoo jiraan marka ay ka yimaadaan xafladihii ay u qaateen kabahaa cidhibta dheer.

Cabdiqaadir Ismaaciil Askar

askars4@hotmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.