Al-Shabaab oo Weerar Ay Saraakiil Iyo Askar Ku Laayeen Ku Qabsaday Xabsiga Boosaaso, Maxaabiis ay Kala Baxeen iyo Wararkii U Dambeeyey

Boosaaso(Aftahannews):- Koox hubaysan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Malleeshiyada Al-Shabaab, ayaa caawa cawayskii dambe weerar ku qaaday Xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo ay kala wareegeen Ciidammadii gacanta ku hayey, ka dib markii ay dileen sida la sheegay Taliye ku-xigeenkii Xabsigaas iyo Askar badan oo kale, halka ay Taliyihii Jeelkaas iyo Askar kale dhaawacyo u soo gaadheen.

so

tuugo332

so

dddddddd

xabsigaBosaaso12

Sida ay Weriyeyaal ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Maamul-goboleedka Puntland caawa u xaqiijiyeen Shabakadda wararka ee Aftahannews.com, Kooxda la sheegay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin, ayaa caawa cawayskii dambe Baasuukayaal iyo Hubka kale ee daran-doorriga u dhaca ku weeraray Xabsiga Boosaaso, halkaas oo ay Weriyeyaashu sheegeen inay saacado kooban gacanta ku hayeen, isla markaana kala baxeen Maxaabiis Al-Shabaab ka tirsanaa oo waqtiyo kala duwan Maxkamadaha Puntland, gaar ahaan Maxkamadda Ciidammada ee Derajada koowaad Xabsi sannado kala duwan ah iyo dilba ku xukuntay dhawr jeer oo kala dambaysay.

“Xabsiga waxa cawayskii dambe ee caawa lagu soo weeraray hub culus oo ay ka mid yihiin Baasuukayaal, Hoobiyaha gacanta laga tuuro iyo hubka fudud ee daran-doorriga u dhaca iyo Bambooyinka gacanta laga tuuro, Ciidammadii Xabsigu waxay isku dayeen inay iska difaacaan, laakiin waa laga awood roonaaday, waxa halkaa ku dhintay Taliye ku-xigeenkii Xabsiga Boosaaso iyo Askar badan, waxa dhaawacmay Taliyihii Xabsiga iyo Askarta ilaalada Xabsiga qaarkood. Laakiin, tirada khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca weli lama sugan ee intaas ayaan kuu sheegi karaa.” Sidaa waxa yidhi Weriye ku sugan Boosaaso oo caawa dhacdadaas ka dib khadka taleefanka ugu warramay Shabakadda wararka ee Aftahannews.

Sidoo kale, waxa uu Weriyeyahani sheegay inay Ciidammada sida gaarka ah u ugu tabobbaran la-dagaallanka Argagixisada ee Maamulka Puntland, ayaa u soo gurmaday Ciidammada Asluubta ee Xabsiga la weeraray ku sugnaa, kuwaasoo ay Weriyeyaashu ku soo warramayaan inay ku guuleysteen inay ka saaraan Xabsiga oo ay waqti haysteen.

“Xabsiga markii ay qabsadeen Kooxdan Al-Shabaab ka tirsani, waxay la baxeen oo ay siiddaayeen Maxaabiis marar kala duwan Maxkamaduhu xukun dil iyo xadhig isugu jira ku rideen oo falal argagixiso inay geysteen loo qabtay, kuwaasoo aan tiradooda aanan xaqiijin karin waqtigan. Hase-yeeshee, Ciidammada Booliska ee sida gaarka ah ugu tabobbaran la-dagaallanka argagixisada Puntland ayaa u soo gurmaday oo Xabsiga ka saaray, labada dhinacba khasaare badan baa jira, laakiin weli si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha, maaddaama oo xaalad heegan ah lagu jiro hawlgallo ammaan iyo dagaalna uu jiro.” Sidaa ayuu yidhi Weriye Aftahannews ugu warramay khadka taleefanka oo isuguna ku sugan isla magaalada Boosaaso.

Weriyeyaashu waxay intaa ku dareen in xarunta dawladda hoose ee magaalada Boosaaso isla xalay uu ka dhacay qarax, kaasoo ay sheegeen inuu ahaa Bam gacanta laga tuuray, hase ahaatee, may sheegin weriyeyaashu wax khasaare nafeed ah oo Bamkaa lagu tuuray xarunta dawladda hoose ee Boosaaso uu sababay.

Xaaladda Magaalada Boosaaso, ayaa caawa ahayd mid aad u qasan oo ay dadweynuhu argagax ka qaadeen weerarka lagu qaaday Xabsiga magaaladaas oo dagaalku ka socday muddo saacado ah oo illaa xalay niskii dambe ah. Lamana garanayo Kooxda ay u suuragashay inay u badheedhaadhaan weerarka ay ku qaadeen Xabsigaas sida ay awooddoodu isu soo tari doonto ee ay saamaynta ugu yeelan doonaan ammaanka deegaannada Puntland oo ka mid ahaa meelaha ugu deggan Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.