Tix Gabay ah: Isku-tashi iyo Tacab 29/05/2019 – Saleebaan Kalshaale

Tixdani waxay soo baxday 2/06/2019, waxaanan curiyey 29/05/2019. Waxaanay ka hadlaysaa Sooyaalkii Taariikheed ee ay Somaliland soo martay iyo marxalada ay maanta marayso, iyadoo dhiiri-gelinaysa mashruuca Shaqo-qaran ee ay Xukuumaddu iminka bilowday, taasoo ay tixdu talo iyo tusaaleba siinayso Dhalinyarada ka soo baxay dufcadii 1-aad.

Waxaanu ku bilaamay sidan:

Haddii Gabay Tilmaan leeyihiyo Tuf iyo luuq toosan.

Amma Tahami lagu faaqidiyo Nololsha Taabkeeda

Amase uu aftahan toojo geel Iyo Tiiris ku amaano

Amma lagu takilo guul nin Helay Turuq Ku soo hoystay

Anuu taajku ii saaran Oon tiraab odhane

Oo tabta Ararta waataan rag badan Toorinka u qoraye

caawana tixdaan tirinayaa toban god weeyaane

Taliyaha Abwaankoow guddoon Tacab wacaalkeeda…

Teer iyo Dharaartii dalkani Dhidibka loo taagay
Ee lixdankii godkii lagu tafulay uu dib uga soo toosay
Ee taxad dhismaha laga alkumay Madashii towfiiqda
Rabi tiisa mooyee iyadoon cid kale Gacan ku taageerin

Amma Rabi tiisa mooyee Aadmi kale Gacan ku taageerin
Taladdiisa Madaxdii qabtaye midima Taym joogay.
Nin waliba Tusmuu reerka furay taallo ugu Taale
Adna taagtay Muusoow Tiriig hirrasho toolmoone.


Kumanaanka Tuudaha xidhane Tacabku soo saaray
Ee ku tartamay Mashruucuu Xisbigu tallo ku heenseeyey
Tubta Horumarkuu kow ka noqon Tababarkoodaasi
Marka howsha lagu toosiyee lagu tilmaan-siiyo
Oo hal aan tabaynay weeyaan Qorshahan Taaba-galay Maantu.
Kuna Taxan Tusmada Dawladnimo Qaran Tilmaantiisa.


Isku-tashiga Somaliland buuxsan Turuqiiye
Oo Waa Tu’ lagu najaxayoo ku timi Talo aqooneede
Waxa jira Dad ay Taws ku tahay tan iyo Waagiiye
Oo inay tagooggaha qabtaan abid u taagnaaye
Tuhun nagama saarnayn markay Tahan ka muuqdeene
Iminkay tacliin soo bareen qaar talaal qaba’e
Tabashada Siyaasiga ka culus tookha dhowr hebele
Qorshe hoos ka taxan-baa ku ladhan ee taa hala ogaado.!

Kuwa tegayna Taariikh-xumay gacan-togleeyeene

Ha yeeshee Tumaatiday dhigeen guul umay tarine

Hadday Moodayeen inay yihiin tiir la tebi doono

Tamartoodu noogama duwana tibix Candhuufeede

Todobaatan beribaynu sugi Turuf halkuu geeyo.

Afartaa tilmaamaye haddaan tallo u sii dhaafo
Dhalinyarada Soo tababartoow toosh hor laad tihine
Turuq iyo tigaadbaad tihiin Tacab ka muuqdaaye
Qayrkiin Tus-baad dheer tihiin aan tirmayn abide
Qof waliba halkuu tabbaniyaye maanka ugu taagan
Ee uu takhasuskeena helay Tigidhna loo siiyey
Haka tumo fadhiidkoo ha guddo tacabka loo geystay.


Ragga Tororogtiyo Faanka iyo tahan isgaadhsiinta
Talan-taali weedhaha naxliyan ugu turqaynaaya
Tawxiidka Calankaa lehiyo Qaranka Tayt gaadhay
Ee uu Tudhaale iyo wanaag Taarig uga leexday
Wallee tiina noqon mayso oo taa anaa huba’e
Haku talax-tegina Talo-xumada Towbad-baa imane.
Tir-tirsiga asxaabtuna ha damo Waa turxaan bixine.

Halkan hoose ka daawo Gabayga;

By: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Email: curad1986@hotmail.com 

Halkan hoose Muuqaalkeeda kala baxa

https://www.youtube.com/watch?v=-wuplZ9Wsn0&feature=youtu.be