Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay Nin Kufsi iyo dil u geystey Gabadh Sagaal Sano jir ahayd

Baydhabo(Aftahannews):- Maxkamada Al-shabaab ee deegaanka Labatan-jiroow oo 60-km u jira magaalada Baydhabo way dil ku fulisay nin lagu magacaabo Cabdi Karawey oo qirtay inuu kufsi iyo dil u geystay gabar yar oo sagaal sano jir ahayd.

Inaa-Lilaah-Wa-Inaa-Ilaahi-Raajicuun

Ninkan ayaa la sheegay in gabadha uu kufsaday uu dilay, uuna ku riday god bakaar mesego ay ku jirto. Ehellada gabadha waxay raadinayeen muddo hal toddobaad ah, iyagoo mar dambe ogaaday in gabadaha markii ugu dad ugu war-dameysay uu watay gacan ku dhiiglaha la dilay.

Ciidamada Al-shabaab ayaa soo qabtay gacan-ku-dhiiglaha, isagoo markii dambe qirtay tusayna halka uu ku r iday maydkeeda, iyadoo maxkamadda ay Al-shabaab ku leedahay deegaankaas ay ku xukuntay dil toogasho laguna fuliyay.

Deegaanka Labaatan-Jiroow waxay ahaan jirtay xilligii dowladdii Kacaanka xabsi lagu xiro siyaasiyiinta dowladdii Kacaanka kasoo horjeeday, loomana ogeyn deegaankas inay dad shacab ah degaan; balse burburkii dowaldda ayay noqotay deegaan weyn.

Labaatan-jiroow ayaa hadda ah deegaan wey oo lagu kala iibsado malabka. Iyadoo ay gacanta ku hayso Al-shabaab, waxaana ku yaalla saldhig ciidan oo ay kooxdan leedahay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.