“Theresa May ma xumayne Sabankaa xumaa! Sheeko Xiiso leh W/Q:- Mustafe-Shiine

MUSTAFE CABDI CIISE (MUSTAFE-SHIINE) MAY
MUSTAFE CABDI CIISE (MUSTAFE-SHIINE) MAY

Sheekaba sheekay keentaayee, waxa la yidhi; nin weyn oo ganacsade reer Hargeysa ah, ayaa xilligii Ingiriisku na haystay guursaday oo loo dhisay gabadh yar oo markaa qaangaadhay, dabadeed odaygii baa xaajadii ninnimo saani u gudan waayay, waxay samirtaba way soo ridatay oo dumar ay la tashatay baa ku yidhi “hoogto i fur ku dheh, wuxuu soo dhalay wixii uu soo dhali karaayayee, yaanu wakhtiga kaa lumin”.

MUSTAFE CABDI CIISE (MUSTAFE-SHIINE) MAY
MUSTAFE CABDI CIISE (MUSTAFE-SHIINE)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Habeenkii danbe ayay Odaygii kalladhka ku dhegtay oo ay i fur tidhi, ileyn xaajiga lacag badan iyo aduun baa kaga baxdayee ka meermeer, dabadeedna waxay isu sii daysay qaadigii Ingiriiska ahaa ee maxkamada inoo fadhiyay,odaygii loo yeedh, kiiskiina la mudey.

Maalintii ay dacwadu furantay oo arrinka uu odayga ku adag yahay, ayaa waxaa madashii dacwaddu ka socotay ka soo xaadiray Xaajiga Inaabtigii oo miyi ka yimid, ileyn dacwadda noocan ahi dhaqan innooma ahayne cid walbana afka iyo gacanta isa saartay, balse Odayga Inaabtigii ku adkaatay inuu dhegaysto nuxurka doodda, dhawr jeerna gacanta sare u taag.

Qaaddigii caddaanka ahaana arag in kiiskan uu albaabbada u furay iyo dhaqanka dadkan uu la joogaa inaanay is keenayn, dabadeedna waxa uu hadal yidhi Xaajiga la haysto Inaabtigii oo dhawr jeer ay maxkamaddu fadhiisisay.

Waxa kolkii hadalka la siiyay Odayga Inaabtigii uu ka sheekeeyay sabanka lagu jiro inaanu Lab oo dhan u wanaagsanayn oo Lab aanu xaajo rageed gudan karin dad iyo dugaag iyo xoolaba, waxana uu yidhi; “Qaaddiyoow waxaan ka imid shir reerku u dhammaa oo Suldaankiina uu hoggaaminaayay, shirkaasi wuxu ku saabsanaa ALLE bari”.

Inaabtigu wuxu intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxa laga ALLE baryaayay Labku noocuu doono ha ahaadee raggannimo iyo xaaja gudasho laga waa! Awrtii baan qooqin oon Halihii isku dayayn, Orgidii qaylin jirtay hadh iyo habeen baan juuq laga hayn, Anigaygani laba xaas baan lahaayoo, wallay iga tahay laba bilood inaanan midna dhinaceeda eegin ee Qaaddi Inaabtigay sheekadu kuma koobnee sabanka, ayaa qoodhaale aan u wanaagsanayn ee gabadha samir dhaha!” ayuu hadalkii ku soo jaray.

Theresa May
Theresa May

Waxaan sheekada uga socda waar Raysal wasaarahayaga Theresa May oo keliya ma xumayne sabankaan kursiga hoggaamnitaba u wanaagsanayn, bal eega kan Maraykanka hor fadhiya ee gidaarka ku dawaqay, bal arka Theresa May, bal Madaxeynahayaga Somaliland ee xalka u la’ muranka doorashada wakhtigeedii ha ku dhacdo eega ee aanay wax weyni kaga gudbanayn, bal Albashiirkii Suudaan ee aayar iska tag garan waayay ee xabsiga ku danbeeyay dhugta, bal u fiirsata Butulfaliiqiga Aljeeriya ee isagoo gaadhi curyaan saaran i doorta yidhi, bal Farmaajahan dadkii habeenkii la doortay u ooyaayay cadowga u arkay eega.
Waar Sabankaa u xun madaxdee, daaya iyagu maba xumee!

Waxa qoray Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine)

London/Britain.