Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay qaraxyo caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho(Aftahannews):- Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowlada Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay goor dhow in afar qof ay ku dhinteen qaraxyo fiidnimadii caawa ka dhacay gudaha iyo banaanka hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Guuleed ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo dadkii waxyeelladu ay kasoo gaartay qaraxyadan, isagoo sheegay in qaraxyadan ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo ay soo abaabushay Xarakada Al-shabaab.

Somali Interior Minister

“Qaraxyadan waxaa ku dhintay afar qof, 15-qof oo kalena dhaawcyo ayaa kasoo gaaray, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badanaayeen rayid goobta ku sugnaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.

Dadka dhintay waxa ku jira mid ka mid ah kooxo la sheegay inay ahaayeen kuwo abaabulan oo ku gudo jiray qorshayaal ay doonayeen inay hoteelka qaraxyo uga geystaan, laakiin lama oga halka ay ku dambeeyaan labadii qof ee kale, inkastoo sarkaal ka tirsan ciidamada amniga uu sheegay in qof ka mid ah kooxaha weerarka ka dambeeyay uu ku dhintay qaraxii ka dhacay dibada hoteelka.

Saraakiisha hay’adaha amniga ayaa sheegay in kooxdan ay ka koobnaayeen saddex qof oo maalmo ka hor dagay hoteelka, inkastoo uu sheegay inaysan u suuro-gelin qorshayaashii ay damacsanaayeen.

Xiligii qaraxyadan dhacayeen waxaa hoteelka ku sugnaa xubno dowladda ka tirsan iyo saraakiil, lama sheegin wax khasaare ah oo kasoo qaraxyadan ka soo gaaray, iyadoo hoteelka dib loo howlgeliyay muddo haatan laga joogo illaa lix bilood.

Hoteelka oo ku yaala jidka aada Madaxtooyada Soomalia ayaa waxaa caawa ku sugan ciidamo fara badan oo kuwa dowlada ah, waxaana dhaawacyadii ka dhashay qaraxaas oo qaarkood ay cuslaayeen loo qaaday isbitaallada ku yaalla Muqdisho.

Al-shabaab oo lagu eedeeyay inay qaraxyadan soo abaabushay ayaa illaa iyo hadda ka hadlin, waxaana weerarrada ismiidaaminta ah ay imaanayaa xilli ay Muqdisho ahayd bilihii lasoo dhaafay goob nabdoon.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.