Al-Shabaab la wareegtay Xabsiga Boosaaso, khasaaraha ay geysteen iyo Maxaabiis ay la baxeen

Boosaaso(Aftahannews):- Koox la sheegay inay ka tirsan tahay Xarakada Al-Shabaab, ayaa caawa weerar ku qaaday Xabsiga magaalada Boosaaso, halkaasoo la sheegay inay ku dileen Taliye ku-xigeenkii Xabsiga iyo Askar kale, isla markaana dhaawac u geysteen Taliyihii iyo ilaaladii Xabsigaas.

news aftahan

Wararka ay Aftahannews.com ka helayso magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya inay Malleeshiyo hubaysan oo Al-Shabaab ka tirsani weerar caawa cawayskii dambe ku qaadeen Xabsigaas ay kula wareegeen gacan-ku-hayntiisa, isla markaana khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira u geysteen Masuuliyiintii iyo Askartii ilaalada ka ahayd Xabsigaas.

Sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen Weriyeyaal ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntalnd, Kooxda argagixisada ah, ayaa intii ay gacanta ku hayeen Xabsiga waxay la baxeen Maxaabiis aan tiradooda la xaqiijin oo ay xukunno kala duwan ku rideen Maxkamadaha Maamulka Puntland.

Aftahannews kala soco warkaas oo faahfaahsan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.