Qisada Heesta “Uur Hooyo ..” Qalinka Khadar-Jacayl

Hargeysa(aftahannews)- Maxamuud Ismaaciil (Xudaydi) oo ah muusishan iyo mulaxan caan ka ah geysiga Soomaaliddu dego, ayaa sameeyey hees qisadeedda uu ku sharraxay inuu u sameeyey hablo walaalo yihiin oo u soo diray hees carabi ah. Isagunna ugu bedelay heesta Uur Hooyo oo uu sameeyey sannadkii 1967-kii oo uu ku sugnaa dalka Jabuurti.Islamarkaanna wuxuu sheegay in heestan uu markii ugu horraysay qaaday Faysal Cumar, Maxamed Saleebaan. Markii dambenna ay fannaanin dhallinyaro ahi soo qaadeen.

Abwaanka oo arrimaha sharraxaya wuxuu yidhi Waxaan tiriyey 1967, waxa kale uman tirinne waxaan u tiriyey Gabdhaha ila dhashay oo  I soo diray hees carabiya oo walaalaha loo dalbado. Markaasaan idaacadda jabuuti tagay oo aannu ku idhi ma haysaan heesaan walaalahay u dirro. Waxay igu yidhaahdeen ma hayno, markaasan sidii wax cannaanaya ula hadlay oo aannu ku idhi maydinka oo qaran dhan ah baynu hayn  hees walaalo loo dalbad. Markaasu mid  carablow la yidhaahda igu yidhi waa qayrkaaye adiguba samee. Eraygii baa igu dhibcay oo waxaan seexday annigoo midhihii oo dhan sameeyey, aroortiina codkiibaan sameeyey.”Ayuu yidhi Xudaydi.

Sidoo kale abwaanku wuxuu sheegay in heesta uur hooyo tahay heesaha aan duugoobin, taasi oo ka mid ah heesaha qaraamka kuwaad loo jecel-yahay ilaa hadda.

Haddaba Akhriste halka ka boggo heesta Uur Hooyo

Laba aabe wada dhalay

iyo ubad walaala

arinkii yimaadaba

isla kaashanayoo

isa siiye gacantee

 

Dhabarkii adowgeey

kii laga abuurow

naas iyo abaydimo

kii ila wadaagow

sideen kuu ilawaa

ma ahaan karaysee

 

Waayaha adduunkaa

ina kala fogeeyoo

ana kali ahaantey

u adkeysan maayee

umal baan la tiicaa

isma dhaano madigee

 

Naftu waa amaanee

aaskayga geerida

aday buud dhigaayo

iigu gacan dambeeye

dhaxalkayga aadmiga

kii ugu dhawaayow

 

Indhahaygu nuurkey

ku il doogsadeenow

adna haysku key ladine

uur hooyahaygow