Hargeysa (Afhatannews)- Allaah naxariistii janno ha ka waraabiyo Cabdiqaadir Xirsi Siyaad oo ku magac dheeraa (Yamyam), ayaa intii uu noolaa wuxuu ka sheekeeyey qisada Heesta Isha Sacabka Mari ee ay ku luuqayso fannaanadda caanka ah, Allaah cimriga iyo caqliga-ba ha u barakeeyee Khadra Daahir Cige.
Abwaanku wuxuu sheegay in qisadda heestu ku timi sheeko uu nin saaxiib ahayeen uga sheekeeyey. Kadibna ninkii intii uu sheekadda ku jiray ilmo ka timi. Islamarkaanna uu sawirtay ninkii oo qalfoof laga dhigay, xiddidadiisunna u ekaadeen geed qalalay oo abaarsadday.
Abwaanku wuxuu sheegay in heesta uu sameeyey 1975-kii, heestunna siddaa ku hirgashay. Abwaanka oo arrimaha sharraxaya wuxuu yidhi“Heesta isha sacabka mari waxay soo baxday sannadkii 1975-kii. Nin aannu sheekaysanaynay ayaa iiga sheekeeyey jacayl dhab ah oo isaga helay , siduu u sheekaynayay ayaan waxaan arkay ilmo ka soo daadatay ninkii, ilmadiinaa waxay ku dhacday meesha wadnaha ku aadan.”Ayuu yidhi Yamyam waxaannu hadalkiisii sii raaciyay “Markaa waxa ii sawirmay ninkii oo qalfoof laga dhigay oo xididadiisu u egyihiin geedo qalalay oo abaaraystay. Marka sawiirkii uu muuqday ayaan is-dhi bigjarka ku dhufo ama sawir, oo waxaad wax ka samaysaa sawirka qofka qalalan ee xiddidiisu qalalan yihiin oo ilmadda jacaylku markay halka (Wadnaha) ku dhacdo halisteeda ayay leedahay sidaas bay heestaasi ku soo baxday.”
Haddaba Akhriste halkan ka dheeho Heesta:
Dadkoo ururayoo
Isu tagey dhammaan
Ma ogaan karaan
Mooyee isaga
Ayaaa waaay haaaa uga warrama
Aramidu inay eel dheer taqaan
Hadba waxaan arkaa
Anoo ay cidla ah
Eri dhaban sidiisii
Kuu ololayee
Ubax baan sidaa
Kuula soo ordee
Maad iga aqbali
Eedaad kalgacal
Adaa igu unkaye
Dhibtan mawga bixin
Kugu indha la’
Usha maad u qaban
Ifo faalo iyo saad aragti dheer
Sida awliyaan ku oddorosayaa
Ayaa way haa ilo biyo leh
Ku agmeerayoo
Oonku ka baaba’ayn
Garta odayada
La i soo dhigaa
Arji iyo aqoon
Afti kaa baxshee
Yay ku dhicin ilmadu
Dhir abaarsatee
Isha sacabka mari
Eedaad kalgacal adaa
Igu unkaye
Dhibtan mawga bixi
Naftan naftan ku oggolee
Kuu abaajitee
Kuu abaydintaa ee
Kugu indha la’
Usha maad u qaban.
aftahaninc@gmail.com
Khadar Jaamac Dirir (Khadar-jacayl)
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.