Mucjisada Suxufi Qoray Buug aanu gacmihiisa u adeegsan

NIN SANKIISA BUUG KU QORAY MARKUU NAAFOOBAY KA DIB
NIN SANKIISA BUUG KU QORAY MARKUU NAAFOOBAY KA DIB

Egland (aftahannews):- Josh Barry oo ah Suxufi, ayey muddo sannado ah ku qaadatay inuu qoro buug ku saabsan noloshiisa, isagoo isticmaalaya xubin ka mid ah jidhkiisa oo aan gacmaha ahayn, ka dib markii uu naafoobay.

NIN SANKIISA BUUG KU QORAY MARKUU NAAFOOBAY KA DIB
NIN SANKIISA BUUG KU QORAY MARKUU NAAFOOBAY KA DIB

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qoraagan quluubta dad faro badan gilgilay, oo la yidhaahdo Josh Barry, wuxuu ka soo jeedaa Jasiiradda Isle of Wight, oo ka tirsan England. Waa qof qaba cudurka dadka curyaanka ka dhiga ee afka qalaad lagu yidhaahdo ‘cerebral palsy’, waxaana cudurkan uu xitaa dadka ka hor istaagaa iney hadal la fahmi karo sheegaan.

Muddo 9 sano ah ayey Josh ku qaadatay inuu dhammeystiro buug wacyi galin ah oo uu sidoo kale uga hadlayay taariikh nololeedkiisa, kaasoo uu uga gol lahaa inuu dadka u sharraxo sida aysan naafonimadu u hor istaagi karin horumarka qofka.

Arrinta taas kasii cajiibsan ayaa ah in qoraagan uu buuggiisa qoray isagoo adeegsanaya Sankiisa, maadaama xubnaha kale ee jirkiisa aysan dhaqdhaqaaq sameyn karin.

Markii hore wuxuu isticmaali jiray batoonno ku xiran kumbuyuutar uu qoraalka ku sameynayay, hase yeeshee, wuxuu sheegay in markii dambe uu keenay fikrad cusub, taasoo ahayd inuu sankiisa wax ku qoro isagoo isticmaalaya iPad.

Josh wuxuu isagoo wariye madax bannaan ah la shaqeeyaa Mareeg internet-ka bog ku leh oo xayeysiinta sameysa. Wuxuu halkaas wareysiyo kula yeeshay dad caan ah oo ay ka mid yihiin rug caddaaga ciyaaraha Kiriket-ka Sir Ian Botham iyo wariye Jeremy Kyle.

Wuxuu buuggiisa ku sharraxay sida ay dadka isagoo kale ah ugu suurta gali karto iney riyooyinkooda rumeeyaan, xitaa haddii ay ka duwan yihiin dadka uu lixaadkooda dhammeystiran yahay. “Haddii aad heshid taageerada saxda ah ee aad u baahan tahay, wax walba waad sameyn kartaa”, ayuu yidhi Josh.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Waxay ila tahay tani waa sheeko ku saabsan qof bani’aadan ah oo horumar ku tallaabsanaya isagoo aysan hor istaageyn caqabadaha uu wajahayo.”

Xigasho BBCSomali.com.