Nin U Dhashay Japan Oo Cunay Jacaylkiisii Iyo Sababta Ku Kaliftay

Tokiyo (Aftahannews)- Xilliyaddii dambe waxaa dalka Japan ka soo baxayay sheekooyin guur oo aad u yaab badan oo ragga iyo dumarku ay guursanayaan lamaane khiyaali ah oo loo dhigayo xaflado guur dad badani ka soo qeybgalayaan, laakiin xaaladdu sidii hore wey ka duwan tahay kana yaab badan tahay.

Waa sheekada wiil Japanese ah oo la yidhaahdo Yuta Shinohara, in muddo ah waxa uu la haasaawayay baranbaro dhaddig ah oo uu u bixiyay “Liza”, aad ayuu ugu hamuun qabay illaa uu ka gaadho heer uu jacayl dhab ah u qaado, waa sida uu qoray website-ka Soranews ee dalka Japan ka soo baxa.

Shinyohara illaa yaraantiisii cayayaanka aad ayuu u jeclaa, laakiin doonistiisa dadka wuu ka qarin jiray ilaa 19-jirkiisa, xilligaas oo Ururka Cunnada adduunka ee FAO uu soo saaray 2013 warbixin uu kaga hadlayo faa’iidooyinka cunno ee cayayaanka laga helo cunto laga dhigan karo.

Xilligaas wixii ka dambeeyay waxa uu furtay maqaaxidiisa gaarka ah ee cayayaanka lagu iibiyo, macaamiishiisa gaarka ah halkii fadhi waxay ku cunaan 100 baranbaro oo si gaar ah loogu habeeyay.

Isagoo markii hore aad u jeclaa cayayaanka isla markaana ay shaqadiisa ka gashay, ayaa waxa uu afrika ka soo dhoofsaday nooc goonni ah oo baranbaro ah, wuuba ka helay oo muddo sannad ah uu la socday. Markii ay ka dhimatay ayuuse cunay si ay u noqoto qeyb jidhkiisa ka mid ah.