Luka Modric oo ku guulaystay abaalmarinta kubbada cagta ee Ballon d’Or

Luka Modric oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid iyo qarankiisa Croatia ayaa ku guulaystay abaalmarinta qaaliga ah ee kubbadda ee Ballon d’Or 2018, wuxuuna noqonayaa ciyaartoygii ugu horreeyay ee abaalmarintaas hela tobankii sano ee ugu dambeeyay marka laga reebo Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Luka oo 33 jir ah ayaa markii saddexaad ku guulaystay koobka qiimaha badan ee Horyaallada Yurub bishii May ka hor intii uusan dalkiisa Croatia gacan ka siinin in ay markii koobaad gaadhaan ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka.

Kaka oo afka hore uGu ciyaari jiray Brazil iyo AC Milan ayaa ahaa ciyaartoygii ugu dambeeyay ee ku guulaysta abaalmarintan marka laga soo tago Messi iyo Ronaldo.

Ronaldo oo xagaagii ka tagay Real Madrid kuna biiray Juventus ayaa galay kaalinta labaad.